dahabshiil

Puntland Labo Gabdhoow Walaalo ah Si yaab Leh ugu Dhintay.

Wararka kasoo baxay deegaannada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Laba gabdhood oo walaalo ah ay ku geeriyoodeen halkaasi, kadib markii xubnaha taranka lagaga sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Labadan gabdhood ee walaalaha ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Khadiija Cabdi Warsame oo 11 jir ahayd iyo walaasheed Aasiya oo 10 sano jir ahayd, sida ay sheegtay Xaawa Aadan Maxamed oo u dhaqaaqda ka hortagga gudniinka fircooniga ah.

Geerida labadan gabdhood ee walaalaha ah ayaa dhacday 11-kii September kadib markii lagu guday meel la yidhaahdo Arawada oo maamulka Puntland ka tiran.

Xaawa oo maamusha xarun waxbarasho oo ku taalla gaalkacayo ayaa sheegtay in labada hablood ay dhiigbaxayeen saacado badan markii la guday, waxaana ay geeriyoodeen intii hooyadood ay cisbitaalka u sii wadday.

“Nasiibdarro ma aysan gaarin isbitaalka, waxaana ay dhinteen intii ay waddada ku jireen” ayey tiri Xaawa oo ku baaqday in dowladda ay soo saarto sharci mamnuucaya gudniinka.

Falalka noocan ah ayaa kusoo noqnoqda Gobollada Soomaaliya waxaana sidan oo kale deegaannada Puntland laba bilood ka hor ugu geeriyootay gabadh yar oo lagu sameeyay gudniinka Fircooniga ah, taasi oo ku geeriyootay cisbitaal ay dhakhaatiirtu kula tacaalayeen xaaladdeeda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Meygagle says:

    Labada waxay ku dhinteen miyiga caasumada galmudug ee dhuusamareeb ee iska saxa warka tvya badan ayaa laga soo daayey warkaan wuxuuna ku jiraa youtubeka

  2. Meygagle says:

    Labada waxay ku dhinteen miyiga caasumada galmudug ee dhuusamareeb ee iska saxa warka tvya badan ayaa laga soo daayey warkaan wuxuuna ku jiraa youtubeka

  3. Dalmar says:

    Meygagle sxb mesha lagu guday micna malaha oo somalia oo dhan ay dhibaatadan taalaa arinkan xagan yaallo waa in la mamnuucaa gudninka gabdhaha dilaya ee jaahilnimada ah
    Allah ha u naxaristo labadan gabdho silica iyo rafadka la mariye

  4. MrSomali says:

    Maygaagle
    Baarlamaan beeleedka Buqleen iyo culimadooduba 2015 kii ayay ka soo horjeesteen tortures gudniinka waalan ee fircooniga adna doqon yahaw wareersani ee reer baadiyaha ahi Galmdug afkaaga xun ka jeedi adoo dhuloos ah.
    MAYGAAGLENA waa somaliland Republic ee sheegata yahay magaca noo dhig .Halamash naagood inay gabdhoodu joker 🃏 yihiin oo meel walba galaanna way og yihiin

  5. bisad says:

    pintland waa naago yagodhan even madaxweyne ku sheega abdi boor kkkkkj




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...