dahabshiil

DHacdo: Dhimashadii Tahriibayaasha OoXoog Ukacday Halka Nosha Tahriibu Hoos Udhacday

Tirada muhaajiriinta imanaya qaaradda Yurub ayaa hoos u dhacday, hase yeeshee heerka dhimashada ayaa si aad ah sare ugu kacay, sida lagu sheegay warbixin ay  soo saartay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Dadka sida sharci-darrada ah dadka u tahriibaya ayaa qaadanaya halis dheeri ah, iyada oo Libya ay qabaneyso doomo tiro badan oo sida dad tahriibaya, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Safarrada quusta ah” ayaa sheegtay in 2,276 qof ay dhinteen sanadkii tagtey, taas oo macanheedu yahay in 42-kii qof ee ka gudbaya baddda meditareeniyaanka uu qof ka mid ah dhintay sanadkii tagey.

Sanadkan, oo ay dhinteen 1095 qof ayaa heerka dhimashada waxa uu yahay in 18-kii qofba uu qof ka mid ah geeriyoonayo isaga oo isku dayaya inuu ka gudbo badda qeybisa Yurub iyo afrika.

Agaasimaha hay’adda UNHCR ee xafiiska Yurub, Pascale Moreau ayaa sheegay in badda meditareeniyaanka ay tahay mid ka mid ah badaha ugu dhimashada badan dunida.

Waxa uu sheegay in iyada oo dadka usoo tahriibaya Yurub ay hoos u dhaceen, ay su’aashu iminka ahayn in Yurub ay maareyn karto dadkaas, balse ay tahay in Yurub ay muujin karto bani’aadannimo oo ay nolol badbaadin karto.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...