dahabshiil

Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA ayaa ku dhawaaqday magacda ciyaartooyda isugu soo haray abaalmarinta xiddiga ugu fiican caalamka (FIFA The Best) isreereeb dheer kaddib. Cristiano Ronaldo, Mohamed Salah Iyo Luka Modric ayaana la soo doortay kuwaas oo helay codadka ugu badan oo ay bixiyeen Ciyaartoyda, Tababarayaasha, Wariyayaasha iyo sidoo kale taageerayaasha kubadda cagta ee fursadda la siiyey.

Waa abaalmarintii labaad oo ay saddexdaan mushaarax isugu soo haraan iyaga oo ku tartamay abaalmarinta UEFA Best Player, mar kale ayey masraxa tartanta abaalmarinta ka soo wada muuqan doonaan. Cristiano Ronaldo wuxuu ku taramayaa inuu ku guuleystay koobka horyaalada yurub ee UEFA Champions League iyo sidoo kale gool dhalintiisa, halka Luka Modric uu ku tartami doono si la mid ah Ronaldo tartanka yurub iyo inuu gaaray final-ka koobka Adduunka.

Mohamed Salah wuxuu yimid final-ka tartanka Champions League, wuxuuna hantay gool dhalinta horyaalka Premier League isagoo sidoo kale jabiyay dhawr rikoor oo Liverpool ah, mana dhaafin meel ka dheer wareegga group-yada koobka Adduunka. 24-ka bishan September ayaa abaalmarinta lagu bixin doonaa magaalada London.FA                   { NAYRUUZ}

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...