dahabshiil

Fahad Yasiinan Oo Markii Ugu Horaysay Kulan Laqaatay Taliyah Nisa ARimo Dhowrana Kala Hadlay

Muqdisho (khaatumo)-Fahad Yaasiin oo labo maalin ka hor loo magacaabay talige kuxigeenka hay’addda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sabtidii (18-09-18) kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha sare ee NISA, saraakiil waaxeedyada iyo shaqaalaha sare ee NISA.

Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo xog kala qaadasho ayaa saraakiishii kasoo qeybgashay kulankaasi waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, iyo taliyeyaasha laamaha kala duwan, wuxuuna Fahad Yaasiin mid mid u bartay saraakiisha iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee xarunta NISA.

Sidoo kale, wuxuu kormeer ku sameeyay kontoroolada laga soo galo xarunta NISA ee Habar Khadiijo, isla markaana uu si gaar gaar ah ula hadlay taliyeyaasha ku shaqada leh kontoroolada laga ilaaliyo xarunta NISA.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa khaatumo u sheegay in waxyaabihii uu kala hadlay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada NISA in ay ka mid ahaayeen qorshaha uu damacsan yahay in uu kusoo kordhiyo NISA iyo codsi uu hordhigay howlwadeenada isagoo ka dalbaday in lala shaqeeyo.

Kulamadaasi kadib,Taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa cusub Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah wada qaatay, iyadoo aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxaa la ogsoon yahay in ay jirto fadeexad dhawaan ka dhex dhacday gudaha xarunta NISA, taasoo muujineysay in la jabsaday xafiiskii taliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Cabdalla Cabdalla Maxamed, balse baaris la sameeyay kadib lagu ogaaday in uu ka danbeeyay talige kuxigeenkii xilkiisa waayay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyaha guud.

khaaTumo news
                                         NARUUZ                                {ARAG TIDAAD NOOGU SOO GUDBI FARIIN QORAALED}

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...