dahabshiil

Maxaad kala Socota Hakinta Caleemo Saarka Madax waynaha Saanbiya

Munaasabadda maalinta  oo Axad ah la filayay in lagu caleema saaro madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa hakad la galiyay ka dib markii ay garabka mucaaradka gudbiyeen dacwad ka dhan ah natiijada doorashada.

Hoggaamiyaha xisbiga MDC Nelson Chamisa ayaa sheegay in uu hayo caddeymo muujinaya in lagu shubtay codeynta doorashadii madaxtinnimo ee dalkaas ka dhacday 30-kii bishii July.

Xisbiggiisa ayaa ku andocooday in doorashada ay hareeyeen falal isugu jira “xatooyo iyo musuqmaasuq” hase ahaatee guddiga doorashada ayaa dhankooda ku adkeystay in doorashadu ay ahayd mid ka madax bannaan “Wax is daba marin”

Mr Mnangagwa ayay guusha ku raacday codad gaaraya 50.8% waxaana murashaxii kusoo xigay oo ah Mr Chamisa uu isaguna helay codad dhan 44.3%.

Mr Mnangagwa oo ka tirsan xisbiga Robert Mugabe ee Zanu-PF ayaa markii ay codadkiisa gaareen 50% wuxuu ka badbaaday in wareeg labaad oo doorashada ah loo sameeyo isaga iyo Mr Chamisa.

“Caleema saarku ma dhici doono wakhtigii loo qorsheeyay” ayuu yiri wasiirka caddaaladda ee waddankaas Ziyambi Ziyambi wuxuuna hadalkiisa ka dambeeyay markii ay mucaaradka Jimcihii dacwad ay ka gudbiyeen natiijada doorashada

Dastuurka dalka Zimbabwe ayaa u ogolaanaya musharraxiinta xilka madaxweynaha inay dacwad ka gudbin karaan natiijada doorashada muddo toddobo cisho gudahood .

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa hadda heysata 14 maalmood oo ay go’aan uga gaareyso dacwadda ay u gudbiyeen xisbiga mucaaradka ee la magac baxay dhaqdhaqaaqa dimuqraaddiga ah ee is baddal doonka(MDC)

Xisbiga ayaa ku khasban in ay caddeymo ku filan u keenaan wax is daba marinta ay sheegayaan in doorashada lagu sameeyay.

Haddii ay taas ku guuleystaan waxay markaas maxkamaddu amri doontaa in codadka dib loo tiriyo ama doorasho hor leh loo dareero.

Mr Chamisa ayaa doonaya in maxkamaddu ay si toos ah ugu dhawaaqdo in isagu uu yahay madaxweynaha ku guuleystay doorashada ama ay amar ku bixiso doorasho cusub, sida uu qareenkiisa uu u sheega wakaaladda wararka ee Reuters.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. FAQASH LIQE says:

    Ciyaala kastuumo
    Zimbabwe iyo Zambia soo kala barta
    Somaliland na soo barta




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...