dahabshiil

Madaxwayne Erdogan Ayaa Sheegay Inay joojin doonan Isticmaalka Dolarka Maraykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah. Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka. Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda. Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay khatumonews u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.

.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...