dahabshiil

Deg Deg: Madaxwanaha Turkiga Oo Ku Hanjabay” Hadii Maraykanku Dolar Leeyahay,Anana Alle ayaan Leenahay”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.

Erdogan ayaa tilmaamay inay Alle yihiin haddii uu Mareykanka leeyahay lacagta Dollarka ah.

Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga

 

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Caare Qardho Kula Hadlay Warbaahinta”Waxaan U Dulqaadan Waayaay Dulmiga Jeegaanta’
- Aug 20, 2018
Sidii Shabakada Caalamiga ah Khaatumonews.com Idiin ku soo Gudbisay wararkii Hore Waxaa Bays Maletari  ...
War Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya War Culus Ku Dhawaaqay.
- Aug 20, 2018
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay ...
War Deg Deg Ah::C/wali Gaas Soo Saaray wareegto
- Aug 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ...
War Deg Deg Ah::Dagaal Culus Ka Qarxay Duleedka Gaalkacayo.
- Aug 20, 2018
Dagaal udhaxeeyey Maleeshiyaad Ku kala Abtirsada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxa uu ...
Deg Deg Daawo Video:Kulan Dhexmaray Dagaal Huriyaasha Bahrarsame iyo Cumar Maxamuud.
- Aug 20, 2018
Waxaa Deegaanka Cariska cagaare ka dhacay kulan loogu qabtay  xubnaha dagaalka bilaaba ee ka ...