dahabshiil

Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda.

Guddiga Amniga Qaranka oo kulankooda ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Somaliyed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




War Deg Deg Ah Dhagayso:Dil Foolxun Oo Ka Dhacay Qardho iyo Garoowe Dhexdooda,
- Aug 20, 2018
Dil argagax iyo naxdin ku reebay bulshada reer Puntland ayaa ka dhacay inta u ...
War Deg Deg Daawo Video:Amaanka Ceerigaabo Wararkii Ugu Danbeeyay Maamulka SNM Ka Hadlay,
- Aug 20, 2018

Deg Deg Daawo Video:Caare Qardho Kula Hadlay Warbaahinta”Waxaan U Dulqaadan Waayaay Dulmiga Jeegaanta’
- Aug 20, 2018
Sidii Shabakada Caalamiga ah Khaatumonews.com Idiin ku soo Gudbisay wararkii Hore Waxaa Bays Maletari  ...
War Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya War Culus Ku Dhawaaqay.
- Aug 20, 2018
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay ...
War Deg Deg Ah::C/wali Gaas Soo Saaray wareegto
- Aug 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ...