dahabshiil

Deg Deg Daawo sawiro:Qodobo Ka Soo Baxay Shir Xudun Uga Socday Beesha Gaboobe

Waxaa tobankii cashee ugu danbaysay shir uga socday gobka cad-weyne ee magaalada xuddun, beesha gaboobe maxamuud oo kamida beel-weynta ugaadhyahan.

Shirkan oo bilihii ugu danbeeyey, qaban qaabadiisa si wey looga dareemayey deegaanada kala duwan ee reerku dego, ayaa si toosa uga furmay degmada xuddun 09/07/2018.

shirka waxaa kasoo qayb galay muddadii uu socday, ergooyin kala duwan oo gaadhaya 200 oo nin kuwaasoo ka kala yimi degaanada kala duwan ee reer dego sida: laascaanood, Xuddun, laasacurdan, holhol iyo darya geesa-weyn.

shirka oo magiciisa loo bixiyey walaaleeye, ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba baadhiyada iyo jifooyinka kala duwan ee uu ukala baxo qabiilku.

shirka ayaa muddadii uu sucday, waxaa la isku fahmay la islana afgartay dhamaanba ajandayaashii shirka oo idilkood muhiim u ahaa jiritaanka iyo soo jireen-nimada reerka.

ugu danbayntii shirka ayaa kusoo dhamaaday, jawi degan, farxad, cafis iyo musaamax iyo rayrayn, wuxuuna soo xidhmay maanta oo ah, 18/07/2018.

Waxaana kasoo baxay bayaan ka kooban, 4 qodob oo kala ah:

1-Beeshu waxay qaadatay inay isku xukunto sharciga islaamka.
2-waxaa dib uhabayn lagu sameeyey xeer hoosaadka beesha.
3-waxaa la isla gartay in beeshu iskaga bixiso dhamaan wixii xaq lagu leeyahay muddo 45 casho gudohood ah, isla muddadaasna ay ku doonato wixii iyada xaq
ka maqan.
4-waxay beeshu isku afgartay ilaalinta deegaanka, iyo in laga dhawro, xaalufinta dhuxusha, xidhmooyinka iyo yagleelidda deegaamo cusub.

wa billaahi tawfiiq.

Maxamed Axmed Jaamac (holhol

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. farhia says:

    Ugaadhyahanku waa dad sharfan meeshay fadhiyan bad ka garaneysa quruxdeeda iyo sida loo hagajiyey

  2. MrSomali says:

    masha Allah .. bal dadkaa Somaliyed nuurka ka baxaya wajiyadooda eeg , maxay inoogu duwan yihiin hadii ayna inaga sharaf badneyn ba .. warka aad aragto waa dad umada kale oo dhan la mid ah .. marka waa in beeshaas , waliba xaga farsamada Somali oo dhan ka taagertay la ixtiraamaa .. beelahan oo kale yurub waa ragii ilbaxnimada keenay ARINKII loo bixiy industry revolution .. ama kacdookii warshadaynta .. Somalina dadkaa meel sare geyn lahaa bay dhibtaa .. Gobooye noolada oo umadiinana farsamada iyo sharafta bara

  3. Fardojaan says:

    Mrsomal sxb
    Beeshan Waxaa La Yidhaahda Gaboobe Maxamud Waa Jifo Dhulbahante Ah balse
    Adigu Waxaad U Qaadatay Gabooye hhhh
    Inkastoo Gabooye Yahay Qabiil Soomaaliyeed Oo Sharaf Leh Hadana Waan Ku Saxayaa Sxb

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    Mr somaali
    meesha waxa kushiraysa beel dhulbahante kamid ah ugaadhyahan ah gaboobe maxamuud
    gabooye maaha beesha meesha kushiraysa
    gaboobe
    gabooye kkkkkkkkkkkkkkkkk magacyo is shaabaha yacni isu’eg WBT

  5. Waali ictiraaf says:

    GUUUUUUUL GABOOBE MAXAMUUD OO AAYAHIINA KA TASHADA OO HAYS DHIIBINA EE ISKA SAARA GUMEEYSIGA IDIN CABURINAYA.GUUUUUUUUUUL KHATUMO STATE OF SOMALIA




War Deg Deg Ah Dhagayso:Dil Foolxun Oo Ka Dhacay Qardho iyo Garoowe Dhexdooda,
- Aug 20, 2018
Dil argagax iyo naxdin ku reebay bulshada reer Puntland ayaa ka dhacay inta u ...
War Deg Deg Daawo Video:Amaanka Ceerigaabo Wararkii Ugu Danbeeyay Maamulka SNM Ka Hadlay,
- Aug 20, 2018

Deg Deg Daawo Video:Caare Qardho Kula Hadlay Warbaahinta”Waxaan U Dulqaadan Waayaay Dulmiga Jeegaanta’
- Aug 20, 2018
Sidii Shabakada Caalamiga ah Khaatumonews.com Idiin ku soo Gudbisay wararkii Hore Waxaa Bays Maletari  ...
War Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya War Culus Ku Dhawaaqay.
- Aug 20, 2018
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay ...
War Deg Deg Ah::C/wali Gaas Soo Saaray wareegto
- Aug 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ...