dahabshiil

War Deg Deg Ah:Qalbi Dhagax Oo Muqdisho yimid iyo Dawladda Somalia U Digtay.

Warar hoose oo ay heleyso Khaatumonews  ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya loo diray halka uu Muqdisho ka degan yahay Cabdi kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

 

Ciidamadan oo fulinaya amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Nabad sugida ayaa la kulmay Qalbi dhagax oo ay ku wargaliyeen inuu ka fogaado falal amni daro u keeni kara magaalada Muqdisho.

 

Ciidanka NISA ayaa Qalbi dhagax ku wareejiyay Warqad ay ku qoran yihiin Waxyaabaha aysan dowlada Soomaaliya ogoleyn inuu sameeyo, iyadoo laga duulayo maadaama uu dhexda kaga jiro Siyaasiyiinta Mucaaradka oo u adeegsan kara Falal Guracan sida Dowlada ay maleyneyso.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ay ogaatay in Mucaaradka ay doonayaan siday u qaban lahaayeen isku soo bax uu Khudbad ka jeedin lahaa Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax

 

Shaqsiyaad u dhow Cabdi Kariin Qalbi dhagax ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidanka Nabad sugida ee la kulmay Cabdi kariin Qalbi dhagax ay si ixtiraam leh ugu wareejiyeen fariintii loo soo dhiibay, waxaanse la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Qalbi dhagax.

 

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Soomaaliya ayaa ka feejigan Talaabooyin looga soo hojeedo oo Mucaaradka ay u adeegsan karaan Cabdi Kariin Qalbi dhagax.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Mohamed says:

    Qalbidhagax waa in uu ka fogaado kuwa Aan ogolayn in soomaaliya hesho dawlad dhab ah oo ka hanoqaada geyiga soomaalida, waana koox yar oo isbaaro iyo bililiqo doon ah.

  2. Nasra says:

    Qalbidhagax madoqanbaa shakuur iyo sharmaake raac adeer soomaali israacday cadoowgeedu hadhaco idinka yeelimeeyno qof wax tareeyn wax dumis bas isoo taagan

  3. Wadaniboy says:

    Wax jira maha jigjiga ha aado. Wardheer buu kasoojeeda somaliyada xora ah arimaheeda ha kabaxo. Ashabaab. Mucaaradka kuli waa magac raadisawuxuu.

  4. leopon says:

    Shaki wayn baa igalay dhiibistiisii iyo soo dayntiisiiba inay sirdoono caalamiya ku lug leeyihiin oo dano fog qarsoonyihiin sida wax usocdaan dadkiisa dhinac haka raaco waa muwaadin laakiin. balse ?????? baa ii muuqata.

  5. Wadaniboy says:

    77 saraakiil baa ku halagsamay. ONLF.DADBAAN KUHALAAGSAMAY .EE AALATAHAY MUXUU RABAA. WARDHEER HAKU NOQDO. IMISA .WAA ANOTHER OGAADEEN. JUST TALKING. JUST UNLESS TALK HIM AND HIS FOLLOWERS. FIQI.

  6. Wadaniboy says:

    ONLF.SNM.USC.ITIXAAD. MAXAAKIIMTII. JEEGAANTA. ASHABAAB. DAACIS. ALQAIIDA. XISBULISLASM.DDIB UXORAYNTA.XILDHIBANADA FIQI IYO MAHAD.CABDI SHAKUR. .WAXAASOO DHON. WAA GEESIYAAL WADANIYIINTA. KKKKĶKKKKKKKKKKKKKKKLKĶ




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...