dahabshiil

War Deg Deg Ah::Gaas Oo Safar Dag Dag ah U Baxaaya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wa jahan wadanka Belgium-ka oo ay kaga qaybgeli doonaan shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaalida, daneeyayaasha Soomaaliya iyo midowga reer Yurub.

 

Shirkaan ayaa mudada uu socda waxa ay madaxda Soomaalidu ku soo bandhigi doonaan qorshe iyo siyaasad midaysan oo ku aadan dibu dhiska ciidamadii xooga dalka Soomaaliya iyo hanashada ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

 

Shirarkii amniga qaranka ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa madaxda Soomaalidu waxa ay isku afgarteen qorshaha midaynta iyo dhismaha ciidanka xooga qaranka Soomaaliyeed iyo sidii ay shirkaasi cod midaysan ula tegi lahaayeen.

 

Midowga Yurub oo binaya dhaqaalaha shirkaasi iyo kan dhismaha ciidamada ayaa diidey qorshe xukuumadda Soomaaliya ku doonaysay inay shirkaasi ku matasho guud ahaan Soomaaliya, waxaana lagu casumey dhammaan dhinacyada Soomaalida si ay u ilaaliso hufnaanta iyo wada socodka.

 

Waxaa midowga Yurub uu adduun lacageed oo dhan 280 Million oo dollar ku bixinayaa ammaanka iyo dhismaha ciidanka Soomaaliya, iyadoona lafilayo in mustaqbalka dhowa ciidanka Soomaalidu ay hantaan ammaanka guud ee Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Mohamed says:

    Ciidankii qaranka soomaaliya ee haybada lahaa waa in uu soo noqdo, shabaab hal bil gudaheeda Ayaa laga safayn lahaa hadii lahelo ciidan qaran oo xaquuqda ciidan leeyahay hela, sida mushahar, saad iyo daaweyn.

    • Hassan says:

      Mar walba waa in caalamku ilaasho in tayada ciidanka qaranka Somaliland ka sareeyo ka Somaliya si la mid ah sida ciidanka Israaiil uu uuga tayo iyo taag badanyey kuwa carabta oo dhan gaar ahaan inta ay Somaliya iimaansaneeyso labada dawladood ee soomaaliyeed ee siman, arrinkaas oo aan hubo in ay dawladaha Itoobiya iyo Ingiriisku ay u leeyihiin fiiro gaar ah.

    • Hassan1 says:

      Mar walba waa in caalamku ilaasho in tayada ciidanka qaranka Somaliland ka sareeyo ka Somaliya si la mid ah sida ciidanka Israaiil uu uuga tayo iyo taag badanyey kuwa carabta oo dhan gaar ahaan inta ay Somaliya iimaansaneeyso labada dawladood ee soomaaliyeed ee siman, arrinkaas oo aan hubo in ay dawladaha Itoobiya iyo Ingiriisku ay u leeyihiin fiiro gaar ah.

    • Yuusuf says:

      Mar walba waa in caalamku ilaasho in tayada ciidanka qaranka Somaliland ka sareeyo ka Somaliya si la mid ah sida ciidanka Israaiil uu uuga tayo iyo taag badanyey kuwa carabta oo dhan gaar ahaan inta ay Somaliya iimaansaneeyso labada dawladood ee soomaaliyeed ee siman, arrinkaas oo aan hubo in ay dawladaha Itoobiya iyo Ingiriisku ay u leeyihiin fiiro gaar ah.

  2. ilaah ba jira says:

    Somalida iyo saxaafada somalidu ma la socotaa in yuhuud iyo maraykan ay roobka khalkhal ku hayaan?

    Arinkan waa la cadeeyay, waxaana arintan ay soo shacbaxaday markay iraan fashilisay, in hawadeeda ay maraykan iyo yuhuud ay ka riixeen daruuraha roobka sida.

    Arintan waxaan ka qriyay wesite ka sputniknews. Waxaa kale oo arintan sharaxay inay suuragal tahay amaba ay dhici karto, cilmiyahano ruusha, iyago sheegay, maalmaha dabalaaldega dalka ruushka, in sa la suubiyo, oo la riixo daruuraha badan ee hawada haysta, ama hwad clear laga dhigo, waa cilmi cusub oo la gaadhay arintan in daruuraha la riixikaro, ama roobkaba iyo daruuraha sida loo wadi karo meel kale.

    Anigu markaan aqriyay arintan, waxaa igu soo dhacday, in Somalia daruuraheeda la qashqashaadayay muda dheer, oo maraykan iyo xulafadooda ay qas ku hayeen daruuraha iyo hawada si aysan masaakiinta somalida ah raxmaad ka eebe u helin.

    Arintan waan liqiinsaday runtii, Somalia sida la ogyahay 20 sano ka hor guga iyo dayrta inta badan lama waayi jirin, hadana 10 sano oo xidhiidha aya la helin wax roob ah.

    Waxaan kale oo ognahay in hawada ay kaantaroolaan yuhuud iyo maraykan. wa macquul in abaaraha iyo roobla aanta tirada badan ay ka danbeeyan reer galbeedku.

    Bal arintan saxaafada somalidu ha u dhaba gasho. Waa iga talo.

    Waliba warkan waxaa isagoo faahfahsan ka aqrisan kartaan website ka sputniknews, in mraykan iyo yuhuud ay roobka iyo daruuraha khal khal ku hayaan.




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...