dahabshiil

War Deg Deg Ah:Qaramada Midoobay Xayiraad Dhanka Hubka Saartay Wadan Caan Ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay Maanta oo Jimca ah u codeeyaan qaraar uu horay ugu gudbiyay Maraykanka oo ku saabsanaa in Dalka Koofurta Suudaan lagu soo rogo cuna-qabatayn xagga Hubka ah.

Tallaabadan ayaa la sheegayaa iney ka dambaysay markii loo caalwaayay dagaallada sokeeye ee muddada Shanta Sana ah ka socda halkaasi iyo xaaladda Bini’aaddannimo oo hadba kasii daraysa.

Dalabkii Mareykanka ee ahaa in lagu soo rogo xayiraadda Hubka ee Bishii Disembar 2016 ayaa ku guuldareystay inuu helo codad ku filan, balse Diblomaasiyiin ku dhow dhow kulanka Maanta ayaa raja ka muujinaya inuu meel mar noqdo qorshaha uu Maraykanku ugu ololeynayo Cuna-qabataynta Hubka ee Koofurta Suudaan.

Tan iyo markii ay Suudaanta koofureed ka go’day Suudaan inteeda kale Fepruary 2011-kii waxay marti gelisay shaqaaqooyin siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye, waxaana laga yaabaa inay cuna-qabatayntan cusubi xakamayso dirirta iyo barakaca halkaasi ka taagnaa Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...