dahabshiil

War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Eretrea Oo Itoobiya Ku Wajahan

Madaxweynaha Dalka Eretrea Isaias Afwerki, ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago Dalka Itoobiya Maalinta Berri ah sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Dalka Eretrea , Yemane Meskel.

 

Mr; Meskel, ayaa boggiisa Tweeter-ka kusoo qoray in Berrito oo Sabti ah uu Afwerki tegi doono Addis Ababa.

 

“Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tegi doono Berrito oo ay Taariikhu tahay 14-ka July Dalka Itoobiya ” ayuu yidhi Yemane xilli hore oo Maanta ah.

 

Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib heshiiskii nabadeed ee uu gar wadeenka ka ahaa Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee dhawaan ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.

 

Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee ay dhawaan Labada dhinac gaadheen ayaa meesha ka saaraya mad-madoow badan oo ku kala dhex jiray Itoobiya iyo Eretrea, kaasoo dib usoo celiyay isu socodkii, xidhiidhkii Isgaadhsiinta iyo is dhex galkii lumay Labaatan Sano ka hor wixii ka dambeeyay dagaalladii qadhaadhaa ee ka dhacay xadka Badhme 1998 illaa 2000.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...