dahabshiil

Deg Deg::Norwey oo aqoonsatay dhamaan nuucyada kala duwan ee Basaboorka Soomaliga

Dalka Boqortooyada Norway ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqey in uu aqoosadey baasaboorka Soomaaliga noocyadiisa kala duwan ( Dublamaasiga, Shaqaalaha iyo Kan caadiga).

Wadahadalo socdey mudo sanad ka badan kadib, ayay Norway maanta uga dhawaaqdey munaasabad ay soo qaban-qaabisey safaaradda Norway ay ku leedahey dalka Kenya oo ka dhacdey magaalada Nairobi, waxaana munaasabadda ka qeyb-galey dhinaca Soomaaliya wasiirka arimaha dibadda Mr. Cawad, wasiirka Amniga gudaha Xil. Ducaale, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Koofi, iyo lataliye-yaasha HSJ iyo Wasaaradda Amniga.

Dhinaca beesha caalamka ayaa waxaa soo qeyb-galey munaasabadda ku dhawaad 20 safaaradood oo ka kala socdey wadamada aan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliya. Warbixin laga dhageystey agaasimaha guud ee HSJ, iyo khubaro ka socotey dalka Norway oo hore qiimeyn ugu soo sameysey habka bixinta baasaboorka Soomaaliya ayey ugu danbeyn Norway ku dhawaaqdey go’aankeeda ay dib ugu aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya.

Norway ayaa ku biireysa wadamada dib u aqoonsadey baasaboorka Soomaaliya, waxaana hadalo mahadcelin ah ka soo jeediyey munaasabadda, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mr. Cawad iyo wasiirka amniga gudaha Xil. Ducaale. Waxayna ka qeyb galeyaasho su’aalo weydiiyey agaasimaha guud ee HSJ, isaga oo uga jawaabey isla markaana ka qanciyey qodobo ay su’aalo ka keeneen.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Cidi libaax says:

    Kuwan leh Norway baa baasaboork

  2. Cidi libaax says:

    Ma inay is dhiibaan bay doonayaan.




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...