dahabshiil

War Deg Deg Ah::Xujey Ku Xaniban Magaalada Muqdisho

Waxaa weli ku xayiran gudaha magaalada Muqdisho boqolaal Xujey Soomaali ah kuwaas oo isaga kala yimid dhamaan gobolaa dalka somalia oo doonaya in sanadkan ay soo gutaan Acmaasha Xajka.

Dadkan ayaa la sheegay in weli aan loo qaban wax shaqo ah, iyadoona ay sabab u tahay khilaafka ka jira arrimaha Duulimaadka.

Muran xoogan ayaa lagu soo warramayaa in in uu ka dhex jiro shirkadaha ka shaqeeya Duulimaadka, gaar ahaan diyaaradaha sanadkan Xujeyda u qaadaya dalka Sacuudiga.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen iyo sidoo kale shaqa joojintii shalay lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle Jaalle ay sabab u tahay arrintan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka digay in sanadkan Xujeyda Soomaalida ay ka baaqdaan Xajka.

Waxaana uu ugu baaqay madaxada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay soo fara galiyaan arrintan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...