dahabshiil

Deg Deg::Itoobiya Wada Qorshe Halis Ku ah Somalia

Warar hoose oo ay heleyso WKhaatumonews ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay si hoose ula shaqeyneyso Imaaraadka Carabta, iyadoo qeyb ka siineysa dhismaha iyo Maalgalinta Mashaariicda Afarta dekadood uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Itoobiya ayaa qaadatay Mashruucaan dib loogu dhisayo Dekadaha dalka, iyadoo Dhaqaalaha ku bxaya la kaashaneysa Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxaana warar hordhac ah oo la helayo ay sheegayaan in qeybta ugu badan ay ku wareejineyso labadaas Dowladood.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago dalka Sacuudiga, isagoo arrimaha ku saabsan dalkiisa markuu kala hadlo sidoo kalena hordhigi doono in Itoobiya iyo Sacuudiga ka shaqeeyaan soo celinta Xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sidoo kale wuxuu kala hadli doonaa sidii mashriicda lagu dhisayo dekadaha Soomaaliya ay iskaga kaashan lahaayeen Sedexdooda Dowladood.

Dowlada Soomaaliya ayaa Itoobiya u ogolaatay inay maalgaliso afar dekadood, iyadoo la og yahay in Itoobiya kaligeed aysan ku filneyn dhaqaale ahaan dhismaha afartaas dekad.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Hassan says:

    heshiis ay Itoobiya hor boodayso laakiin ay ku wada dhanyihiin dawladahaa aan soo xusay. Dawladii kastaa waxay mashaariicdaa ka qaadan kartaa inta ay awoodi karto laakiin wxa khasab ah in mashaariicda la wada galo oo la wada shaqeeyo.

  2. Hassan says:

    heshiis ay Itoobiya hor boodayso laakiin ay ku wada dhanyihiin dawladahaa Somaliland, Imaaraadka carabt iyo Saudi Arabiya ayaa dhawaan lagu saxeexay Addis Ababa. Dawlad kastaa waxx loo ogolyay in ka qaadato mashaariicdaa inta ay dhaqaale ahaan awoodi karto laakiin waxa khasab ah in mashaariicda la wada galo oo la wada shaqeeyo sida warbixinta sirta ah lagu shaaciyay.

  3. mohamuud says:

    laba wadan oo aan heshiis ahayn oo midi mida kale dekedo u dhisayso maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...