dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo:Barlamaanka kenya Oo Loo Gudbiyay Codsi Ka dhan Ah Ciidanka Somalia Jooga.

Xillibaan ka tirsan Baarlamaaanka Kenya yaa gudbiyay codsi ah in la amro in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamadda Kenya looga saaro Soomaaliya oo ay Al-shabaab kula dagaalamaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xillibaan Cumar Macalin oo laga soo doortay bariga Mandheera waxaa uu doonayaa in Ciidamadda Kenya ee Soomaaliya ka howlgalayay Todobadii sano ee lasoo dhaafay dib loo celiyo, sida uu wariyay Wargeeyska the star.

 

Xillibaanku waxaa uu sheegay in Ciidamadda Kenya looga baahanyahay in ay Xuduudda Amaankeeda sugaaan.

 

Haddii uu codsigaan guuleeysto waxaa la arki doonaa in ka badan 4,000 oo askari oo dib ugu laabtay Dalkooda kadib sanado ay Soomaaliya Al-shabaab kula dagaalamayeen.

 

Xillibaan Cumar Macalin waxaa uu qiray in hadafkii Dowladda Kenya ay Ciidamadda Soomaaliya u keentay uu ahaa Danta nabadda.

 

“Waxaa na quseeya in hadafkaas aan la gaarin, Ciidamadda kenyana ay la daalaa dhacayaan Weerarro ka badan intii hore oo uga imaanya Al-shabaab” ayuu yiri Cumar Macalin.

 

Ciidamadda Kenya waxay Soomaaliya soo galeen 2011 kii, iyaga oo aan kamid ahayn Howlgallka AMISOM oo ay hadda ka tirsanyihiin, Al-shabaab ayaa Weerarro joogto ah ku qaada Ciidamadda Kenya ee Soomaaaliya jooga iyo Kuwo jooga Dalkooda.

 

Weerarro dhiig badan ku daatay ayey Al-shabaab ku qaadeen Kenya kadib 2011 kii.

 

Xillibaanka Codsigaan u gudbiyay Baarlamaanka Kenya waxaa soo qaatay khasaaraha Kenya kasoo gaaray Weerarkii 2013 kii Al-shabaab ay ku qaadeen Suuqii Westigate oo ay ku dhinteen 67 ruux iyo Weerarkii Jaamacadda Garisa oo 149 ruux ay ku dhinteen.

 

Tan iyo 2012 kii Ciidamadda Booliiska Kenya waxay diiwaan galiyeen 155 Weerar oo Al-shabaab ay Dalkaas ka geeysteen

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...