dahabshiil

Deg Deg::Dawlada Ingiriiska Oo Yeelatay Wasiir Cusub

Xoghayaha caafimmaadka ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Boris Johnson.

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa la kulantay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay xisbigeeda, taasi oo ku saabsaaneyd qorshaha ay ku wajaheyso ka bixida midowga Yurub.Magacaabida wasiirka cusub ayaa timid, kadib markii Boris Johnson uu sheegay in uusan la dhacsaneyn qaabka Theresa May ay u wajaheyso ka bixida mdiwoda Yurub, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii labaad ee iscasila muddo afar iyo labaatan saac.Waxaa horay isu iscasilay Mr David Davis oo Britain u qaabilsanaa wadaxaajoodka ka bixitaanka midowga Yurub oo xilkan loo magacaabay sanaddii 2016.

Arrintan ayaa carqalada horleh ku noqoneysa qorshaha Britain ay uga baxeyso midowga Yurub, iyada oo ay sagaal bilood oo keliya ay ka hadhay xilligii loo asteeyay in Britain ay ka baxdo midowga Yurub.Waxaa sdioo kale soo baxaya warar sheegaya in siyaasiyiinta qaar ee iscasilay ay u hanqal taagayaan xilka ra’iissal wasaarinmada,

inkastoo ra’iisul wasaare Theresa May oo ka hadleesay aqalka baarlamanka ay beenisay wararkaasi.Theresa May ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in aysan habooneyn in xildhibaanada xisbigeeda ay ku kala qeybsamaan ka bixida midowga Yurub, iyadoo na ka digtay in awooda uu la wareego hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga shaqaalaha, Jeremy Corbyn.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Sawiro::C/wali Gaas Booqday Qabriga Daarood Ismacil,
- Sep 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya duleedka Hadaftimo ee Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Madaxweyne Dr ...
Deg Deg Daawo Video:Muuse Biixi Ka Hadlay Socdaalka C/wali gaas Gobolka sanaag,
- Sep 20, 2018
Golaha wasiirrada Somaliland oo u Shir gudoominaayay Hogaamiyaha Maamulka somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Deg Deg Daawo Video’Hadaynaan U Midoobin Daarood Weynu jabayna’
- Sep 20, 2018
Mid kamid ah siyaasiyiinta maamulka snm oo warbaahinta kula hadlay burco ayaa sheegay in ...
Deg Deg Daawo Video:Dr Cartan Oo Ka Hadlay in cudur laga qaado Tarmuusyada Shaaha,
- Sep 20, 2018
Dar Cartan oo kamid ah dhakhaaatiirta ugu waaweyn puntland ayaa ka hadlay mashruucan indho ...
War Deg Deg Ah:Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidamada Galmudug,
- Sep 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo habeenkii xalay ka dhex ...