dahabshiil

Madaxda Puntland iyo kuwa Federalka oo hadalao kulul isku dhaafsaday Telephone ka kadib cadaadis la rabey in Puntland la saaro (Warbxin)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay inuu Puntland ku qanciyo joojinta dagaalka Sool isagoo madaxda Puntland ka codsaday inay waan-waan iyo wada hadal ogolaadaan.

Farmaajo oo kaashanaya IGAD iyo dawlado kale ayaa ka quustay inuu Puntland ku qanciyo baajinta dagaal ka dhaca Sool.

Xogo aan ka helay ilow aad uga agdhow labada dhinac ayaa ii sheegay in Puntland ku doodayso “xabada waa joojinaynaaye xalka Laascaanood keen”, taasoo kasuurta geli waydey dhanka Dawlada dhexe.

Telephone badan oo la is dhaafsaday ayaa keenay in masuuliyiin Puntland ahi hadalo kulul oo aan waxba la isu reeban ku dhaheen Madaxweyne Farmaajo.

“Shalay baad na lahayd Ogaadeen maaha Soomaali waa Ethiopian dee maantana na dheh Dhulbahante waa Isaaq”, ayuu yiri masuul Puntland ah oo kasoo jeeda deegaanada SSC xili uu Telephone kula hadlayey Farmaajo.

Farmaajo ayaa markaas Telephone ka damiyey.

Dawlada Federalka ayaa u aragta in Puntland oo gobolka Sool qabsataa siyaadinayso awooda siyaasadeed ee Puntland ku leedahay Soomaaliya taasoo dawlada dhexe aysan danteeda ka dhex arkin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Hirad says:

    Kkkkk

    Runtu feedhahay ka dillaacdaa idinkaa gardaran markii leydin yidhi idinkaa leydiin nasteexeeyay waxaan halaag aheyn ka heli mey sid dagaalka iyo baroor

  2. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Hala karbaasho marya calasta kasoduushay gebilay
    Iyo hargaysa dhulka malihid anaga kuniri idoor
    Wagaash laha e
    Guuuuul xaq udirir nafti hure

  3. Guulwade says:

    Federalaka iyo Egad maxaa kagalay sool .dagaalka waa dagaal harti iyo habaraway iyo habar jecelo oo soo duushayat kibir idoor sadabaal malaha waa in la saaraan meesha ma aha dhul idoor farmaajo shaqadiisIa waa federaalka. Waa Inuu ku ekaada. Hadii kale. SomalI diidka kacaanki diiday la arsabmayaam dhulbahante. Xoog kuhaysaan may aan. Inshaaalaah.

  4. Hirad says:

    Waxaan filayaa meeshan in axmaaro afsomali baratay wax ku qorto iyagoo is leh cadawgiina isku dira
    Bal arrintaa il gaar ah ha lagu eego maryoolayeey

  5. Binary Operation says:

    farmaajo wuxuu u nasteexaynayaa waa puntland ee hadii aydin maqli weydeen wada oo jabkiisa ka warsuga.

    dagaalkaasi noqon maayo sidaad moodaysaan daarood iyo isaaq, ee wuxuu noqon doonaa khaatumo iyo somaliland oo isku dhinac ah, iyo puntland oo duulaan ku ah deegaamada khaatumo ka arrimiso.




Deg Deg Daawo Sawiro::C/wali Gaas Booqday Qabriga Daarood Ismacil,
- Sep 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya duleedka Hadaftimo ee Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Madaxweyne Dr ...
Deg Deg Daawo Video:Muuse Biixi Ka Hadlay Socdaalka C/wali gaas Gobolka sanaag,
- Sep 20, 2018
Golaha wasiirrada Somaliland oo u Shir gudoominaayay Hogaamiyaha Maamulka somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Deg Deg Daawo Video’Hadaynaan U Midoobin Daarood Weynu jabayna’
- Sep 20, 2018
Mid kamid ah siyaasiyiinta maamulka snm oo warbaahinta kula hadlay burco ayaa sheegay in ...
Deg Deg Daawo Video:Dr Cartan Oo Ka Hadlay in cudur laga qaado Tarmuusyada Shaaha,
- Sep 20, 2018
Dar Cartan oo kamid ah dhakhaaatiirta ugu waaweyn puntland ayaa ka hadlay mashruucan indho ...
War Deg Deg Ah:Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidamada Galmudug,
- Sep 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo habeenkii xalay ka dhex ...