dahabshiil

War Deg Deg Ah:Dagaal Dhexmaray Oromada iyo Somalida iyo Dhimashada Oo Gaadhay 40+Dhaawac Ka Badan Intaas,

Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba jufo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. GENERAAL says:

    waa been, oromo iyo somali maaha, 2 daba waa somali, waxa is dilayaa waa somali.

    saxaafada somalidu ma oga degaanka jigjiga wqooyiga ka xiga waxa ka socda, meeshaas dhibaatadu ka taagantahay waxa la dhaha jinacsanay.

    jinacsanay waa magaalo ay degaan dad markii hore soamli ahaa oo la dho jaarso, laakiin waxayna sheegtaan inay dir yihiin, wax ay qoonsaden mooyaane waxay goaansadeen inay ka baxaan maamulka somalida, oo ay ku biiraan kan oromada, sidaa darteed iyaga iyo deegaankoodi jinacsanayba waxay ku biireen oromoda.

    waxay daris la yihiin oo u dhow, deegaan ka beesha geri koonbe degto ee tuli guuleed, deeganka tuli guuleed waxaa loo aqooonsaday degmo oo ay u aqoonsadeen kiliku, xaasidnimo iyo waxay ka tahy ma ogiye jarsadu way ka soo horjeeda in dad daaroodii daris la noqdaan ama degmo ka agsamaytaan.

    jaarsada oo somali uga baxaday daarood nacayb oromana noqotay waxay dagaal ku hayaan dadka daaroodka ah ee dega inta u dhaxaysa ayaga iyo jigjiga waxayna rabaan inay isbalaadhiyaan oo ka kiciyaan beesha geri dhulkeeda, hadii ay ku guulaytaan arintaana jigjiga xataa la fadhiyi maayo, waayo jarsadu hada ayaga kaliya maha , oromo ayay wataan oo dabada ka riixaysa, waxaana la raba in somalida saa dhulka looga qaato

    dagaalka socdaa wa noocas,

    marmarka qar waxaan dhahaa jaarso waa isaaqa kililka 5 aad.

    waa wax nacdali ku dhacday, oo subhuman ah. qabiil nacayb dartiina somali uga baxay oromana noqday, dhulkiina raba inayoromo gacanata u geliyaan.

    sida hada kuwan idoore ayagana isu dhiibaya shisheeye iyo cadow.

  2. GENERAAL says:

    dagaalka socdaa maaha oromo iyo somali.

    dagaalku wuxuu u dhexeeyaa somali dhexdeda.

    meesha lagu dagaalamaya waxay u dhowdahaya jigjiga,oo dhinaca waqooyi galbeed ka xigtaa.

    waxaa jirta meel jinacsanay la dhoho oo halkas ku taala, waxaa dega meeshas beel jaarso la dhoho, oo somalida ka baxday,laakiin asalkoodii hore somali ahaa,

    waxay aqoonsadeen mooyane waxay kuu biireen kilika oromoada dhawrsano ka hor. meeshay degaan meel ka sukaysa oo u dhaxaysa iyaga iyo jigjiga waxa dega beel daarkoombe, waxaana la dhahaa tuli guuleed meesha gerigu dego.

    dhawan ayaa meeshas gerigu dego ee tulli guuleed kiliku degmo ka dhigay,

    jaarso oo ayagu somalinimadaba ka baxay ayaa dagaal ku soo qaada markasta beesha geriga. xaasidnimo iyo waxay ka tahy mooyane jaarsada oo ah dad loomalaynayo amase u muuqda daarood nacayb inay somali uga bexeen ayaa colaada wada.

    maaha oromo iyo somali sheekadu.

    waa somali dhexdeda, haday jarsadu somalidii ka tegeen oo oromo ku biiren, macnuhu maaha inaysan somali ahayn, waa somali laakiin waa somali siloon oo qabyaalad iyo nacayb dilooday.

    waana saa dagaalku maaha dagaal u dhexeeya oromo iyo somali, laakiin oromadu kama madhna maadaba jaarsadu ay hada iyaga maamul ahaan ka kid tahay, oramaduna jaarsada ayay taagerayan hadii gariga dhulkooda ay jaarso iyo oromo ka soo qixiyaana lama fadhinayo jigjiga, waayo meeshu waa jigjiga agteeda meeshay jaarsadu dagaalka ku soo qaaday.

    jaarso waa wax nacdali ku dhacday oo doon lahyn soali meel ka dhac ku sameeyay iyo dhabar jabin, oromana noqday rabana inay somalida tirtiraan oo oromo u gacan geliyaan dhulka, sheekadu waa sidaas.

    marmarka qaar waxaan dhaha isaaqu waa jaarsada waqooyiga somalia, 2 duba waa isku dhaqan 2 daarood nacayb ayay somali uga cararayaan tan 2 aad jarsaduna waa dir sheegtaan, sida idoorka.

    nacdal baa ku taala.




War Deg Deg Ah Dhagayso:Xaalada Jiida Tukaraq Ee Saaka.
- Jun 20, 2018
Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi dagaal ayaa saaka oo Arboco ah laga dareemayaa deegaanka Tukaraq ...
War Deg Deg Ah::Madaxweynaha Soomaaliland oo Garoowe Ku Soo Wajahan
- Jun 20, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya ...
Madaxda Puntland iyo kuwa Federalka oo hadalao kulul isku dhaafsaday Telephone ka kadib cadaadis la rabey in Puntland la saaro (Warbxin)
- Jun 20, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay inuu Puntland ku qanciyo joojinta dagaalka Sool isagoo madaxda ...
Deg Deg Daawo;- madax Weyne farmaajo Markii ugu horaysay kahadlay Heshiiska Somali iyo Ethopia
- Jun 19, 2018
Deg Deg madax Weyne farmaajo Markii ugu horaysay kahadlay Heshiiska Somali iyo Ethopia HALKAN RIIX ...
Deg Deg Daawo Video:Kooxdii Cali khaliif Oo Tidhi Kumaanan Biirin Somaliland.
- Jun 19, 2018
Waxaa indhawaale Magaalada Hargeisa ku sugna Xubno uu  kamid yahay Maxamud cabdilaahi cali caanonuug ...