dahabshiil

Deg Deg:Cabsi Xoogan ka Taagan Dalka kenya Maxaa Ku Soo Kordhay?

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Kenya waxay sheegeen inay adkeeyeen Ammaanka qeybo ka mid ah Goballadda Xeebta iyo W/bari, kana digay inay Alshabaab qorsheynaayaan weeraro ka geysteen Goballadaasi maalmaha Ciiddul-Fitriga ee foodda nagu soo hayso.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Idaacadda Capital FM ee Nairobi ayaa sheegay inay Ciiddamo dheeraad ah loo daabulay Dhul-kaymeedka Boni Forest iyo inta u dhexeysa Deegaanadda Witu iyo Mpeketoni oo laga cabsi qabo inay Alshabaab weerar ka geystaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Charles Owino waxa uu tilmaamay inay dadka Deegaanka u sheegeen inay Dagaalyahano Alshabaab ku sugan yihiin Kaymaha Boni Forest, Tana Delta iyo W/bari ee dalkaasi, wuxuuna carabaabay Saraakiisha hoggaaminaysa Dagaalamayaasha Alshabaabka ku sugan Kaymaha Boni ee u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegaan inay difaac kaga jiraan weeraro Alshabaab oo ku soo fool leh qeybo ka tirsan dalkooda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




War Deg Deg Ah::Dagaal Culus Ka Qarxay Duleedka Gaalkacayo.
- Aug 20, 2018
Dagaal udhaxeeyey Maleeshiyaad Ku kala Abtirsada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxa uu ...
Deg Deg Daawo Video:Kulan Dhexmaray Dagaal Huriyaasha Bahrarsame iyo Cumar Maxamuud.
- Aug 20, 2018
Waxaa Deegaanka Cariska cagaare ka dhacay kulan loogu qabtay  xubnaha dagaalka bilaaba ee ka ...
Deg Deg::Itoobiya Amar Culus La Duldhigay.
- Aug 20, 2018
Warbixin ay maanta soo saartay hey’adda Human Rights Watch ayaa lagu weydiistay dowladda Itoobiya ...
Deg Deg Daawo Video:Somaliland Ka Jawaabtay Dhaartii Puntland.
- Aug 20, 2018
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Xildhibaanada golaha wakillada Maamulka Somaliland ayaa ...
Deg Deg Daawo Sawiro”Ciidaamo Ka Goostay Somaliland Ku Biiray Taliska Caare,
- Aug 20, 2018
Saldhiga military oo maamul goboleedka putland ka siiyeen ciidamo uu dhowaan la goostay sarkaal ...