dahabshiil

Deg Deg::Turkiga: Maxkamad xabsi daa’in ku xukuntay 104 qof

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 104 qof oo horey uga tirsanaa ciidamada dalkaasi.

Waxaa dadkani lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay qayb ka ahaayeen afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2016.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ka mid ah madaxii hore ee ciidamada cirka ee dalkaasi Xasan Xuseyin Demiraslan) iyo Janaraal kale.

21 qof oo kale ayaa sidoo kale lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah, halka 31 lagu riday xukunno ka yar intaas.

Ku dhawaad 300,000 oo qof ayaa xabsiga la dhigay amaba shaqooyiinkooda laga ceyriyay tan iyo wixii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay cmbaareeyeen tillaabooyiinka ay qaaday xukuumadda Turkiga ka dib afgembigaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo bisha soo socota lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo doorashada madaxwaynanimada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




War Deg Deg Ah::Dagaal Culus Ka Qarxay Duleedka Gaalkacayo.
- Aug 20, 2018
Dagaal udhaxeeyey Maleeshiyaad Ku kala Abtirsada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxa uu ...
Deg Deg Daawo Video:Kulan Dhexmaray Dagaal Huriyaasha Bahrarsame iyo Cumar Maxamuud.
- Aug 20, 2018
Waxaa Deegaanka Cariska cagaare ka dhacay kulan loogu qabtay  xubnaha dagaalka bilaaba ee ka ...
Deg Deg::Itoobiya Amar Culus La Duldhigay.
- Aug 20, 2018
Warbixin ay maanta soo saartay hey’adda Human Rights Watch ayaa lagu weydiistay dowladda Itoobiya ...
Deg Deg Daawo Video:Somaliland Ka Jawaabtay Dhaartii Puntland.
- Aug 20, 2018
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Xildhibaanada golaha wakillada Maamulka Somaliland ayaa ...
Deg Deg Daawo Sawiro”Ciidaamo Ka Goostay Somaliland Ku Biiray Taliska Caare,
- Aug 20, 2018
Saldhiga military oo maamul goboleedka putland ka siiyeen ciidamo uu dhowaan la goostay sarkaal ...