dahabshiil

War Deg Deg Ah:Ra`iisul Wasaarihii hore oo gurigiisa laga helay Boorsooyin lacag ah

-Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Baaritaannada lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla magaalada xarunta u ah dalka Malaysia ee Kuala Lumpur ayaa lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska dalkaasi.

Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Waxaa jira balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay.

Najib laftirkiisa ayaa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar, taas oo uu iska fogeeyeen in uu ku dhaqaaqay.

Dawladda Malaysia ayaa sheegtay in uusan wax gaf ah samaynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baaritaan ku billaabay.

Mahathir oo ah ra’iisulwasaaraha cusub ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufulada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay.

Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

“Askarta ayaa baartay 72 boorso oo ka mid ahna waxaa laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

“Qiyaasta saxda ah ee dahabka ma sheegi karo, waayo aad bay u badan yihiin boorsooyinka ay saacadaha iyo dahabku ku jiraan” ayuu yiri sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Dahir says:

    Beesha caalamka welwel ka muujisey dagaalka u dhaxeeya somaliland iyo puntland . Waxay beesha caalamku ka cabsiqabtaa in dhulkaas istaratiijigada ee badda cas iyo badweynta indiya uu gacanta u galo argagixisada caalamiga ah sida ISIS iyo AQAAIDA .




Deg Deg Daawo:Muuse Biixi Oo Qorsheeyay Sidii Loo Qaarajin Lahaa Taliye Caare,
- May 21, 2018
Hogaamiyaha Jeegaanta Muuse Biixi cabdi iyo xubno kamid ah maamulkiisa ayaa qorsheeyay qaabkii lagu ...
Deg Deg Daawo Video:Nin Muslim Ah Oo Dalka India Loo Dilay Neef Lo’ ah Oo Uu Gawracay
- May 21, 2018
Nin muslim ah oo ay da’idiisu dhexdhexaad tahay oo saxibbadii la socda xilli habeennima ...
War Deg Deg Ah:Puntland Oo Xayiraad Saartay Gobolka Sool.
- May 21, 2018
War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga difaaca Puntland ayaa guud ahaanba waxaa ...
DAAWO;-Caaqilka guud Jaamac Siyaad Oo Ka Hadlay Xaalada dagaal ee Dhulka SSC.
- May 21, 2018
 
Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Khaatumo Ka Oo Hadlay Dagaalka Tukaraq Isagoo ku Sugan Garoowe.
- May 21, 2018
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Mudane cabdul cagaluule oo ku sugan magaalada garoowe islamarkaana halkaasi u ...