dahabshiil

War Deg Deg Ah:Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay wararka ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada shirka Golaha Amniga Qaranka kaas oo la filayo in uu dhawaan halkaasi ka furmo.

 

Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa guddoomiye u ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyada oo maanta laga yaabo in uu u ambabaxo Magalada Baydhabo Madaxweyne Farmaajo.

 

Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo qeyb ka ah Golaha Amniga Qaranka ayaa weli Baydhabo ku sugan kadib shir halkaasi shalay ugu soo gaba gaboobay,iyaga oo halkaasi ay u joogaan ka qeybgalka shirka Golaha Amniga Qaranka.

 

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa horay loogu qabtay Magaalooyin ka mid ah dalka,waxana inta badan looga hadlayaa amniga dalka iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.

 

Magalada Baydhabo ammaankeeda ayaa aad loo adkeeyey,waxana sidoo kale gaari doono Xubno ka socday gobolka Banaadir oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka,iyada oo gaba gabada shirkaas Warmurtiyeed laga soo saari doono.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. maxamed faarax naxanwd says:

    madaxa weynaha ha noolaado




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...