dahabshiil

Maxaa Sababay In Wasiirka Arrimaha Dibadu Ka Baaqsado Safarka Madaxweynaha Ee Doha?.

Xilligii loolanka siyaasadeeda ka aloosmay magaalada Muqdisho ee isku shaandhaynta kooban lagu sameyey golaha wasiiradda ee ay xilalkoodii ku waayeen Yuusuf Garaad Iyo Juxa ayaa arrimaha ugu waaweynaa ee la hadal-hayn jiray waxay ahaayeen in labada wasiir ay ka baaqsadeen arrimo ay ahayd in ay wax ka qabtaan oo dhinacyada ay ka soo jeedaan culays siyaasadeed laga dareemay, taasina ay sababtay in xilalka loo magacaabo laba wasiir oo cusub iyada oo la kala badelay.

Waxaa muuqata in wasiirkii arrimaha guduhu hawlo mugweyn qabtay kaalintiisiina uu ka soo baxay marka lagu eego muraayadaha Nabad Iyo Nolol, hasa yeeshee dhaliisha jirtaa ay noqotay in wasiirkii arrimaha dibaddu uu labadii dhinac ee loogu tala galay qaybna wax weyn ka qabtay kaalintii kalena ay noqotay mid baylaha ah marka lagu eego Okiyaalaha Nabad Iyo Nolol, taas oo ah in hawlo badan oo uu lahaa wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad uu qaatay Cabdi Wali Gaas oo uu ku cidhiidhyey arrimaha dibada kolkii uu safarada ugu baxay Imaaraadka , isla markaana hawlo ay ahayd in dawlada Federaalka looga danbeeyo uu Cabdi wali Gaas faraha la galay.

Maxsuulka ka dhashay arrimahaas iyo dadaal la‘aan laga dareemay Wasiirka arrimaha dibadda oo ku saabsan in uu saamayn ku yeesho Puntland iyo dhaqdhaqaaqa Cabdi Wali Gaas ayaa waxay keeneen in aanay xiisa galin madaxtooyada in uu ka mid noqdo waftiga madaxweynaha ee safarka muhiimka ah ugu baxay magaalada Doha ee dalka Qatar , iyada oo safarkaasi laga dareemay maqnaanshaha wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, sababo kale ayaa iyaguna muuqda kuwaas oo saadaalinaya in wasiirka arrimaha dibaddu uu rajo ka qabo in uu isu soo sharaxo madaxweynaha Puntland, taasina ay ku dhiiri galisay in aanu cadaadis saarin Puntland iyo Cabdiwali Gaas oo in badan oo raad ku leh maamulka Puntland u arkaan in Cabdiwali Gaas uu u doodayo xaq ka maqan Puntland.

Waana sababaha keenay in wasiirka arrimaha dibada lagu wargaliyo saacadihii ugu danbeeyey in aanu waftiga madaxweynaha la safraya ka mid ahayn sida ay sheegeen ilo xog ogaal ahi

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...