dahabshiil

Deg Deg:Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Sameeyay Balan Qaadyo Kala Duwan Akhriso,

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Ahmed, ayaa ballan qaaday in uu isbadal ku samayn doono sharciyada uu sheegay in ay horseedeen ku tumashada xuquuqda aadanaha dalkaasi.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday in doorashooyiinka dalkaasi ka dhici doona 2020 ay noqon doonaan kuwa u dhaca si xaq iyo xor ah loona ogolaan doono mucaaradka in ay si xor ah ololahooda u gutaan.

Dr Abiy ayaa ka hadlayay isu soo bax lagu qabtay caasimada halkaasi oo uu ku baaqay in dulqaad la muujiyo iyada oo dowladiisa ay wado isbadalo lagu soo afjarayo dibadbaxyadii dowladda looga soo hojeeday oo dalkaasi ka socday ku dhawaad saddex sano.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqasho ku tagay qaybo kala duwan oo dalkaasi ka tirsan oo ay ka mid tahay magaalo xudun u ahayd dibadbaxyada iyo goob ay ka qaxeen in ka badan 1 milyan oo qof ka dib isku dhacyo qoomiyado dhexmaray.

Waa mid ka mid ah booqashooyiinkiisii ugu dambeeyay ee is xig-xigay oo uu raisul wasaaraha ku marayay labadii todobaad ee ugu dambeeayy guud ahaan gobolada dalkaasi.

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Addis Ababa halkaasi oo uu Dr Abiy Ahmed uu mar kale ku baaqay in dulqaad la muujiyo isaga oo bilaabaya hirgalinta isbadalo uu sheegay in ay yihiin kuwa lagama maarmaan ah.

Isbadaladan ayuu rai’sul wasaaraha sheegay in ay yihiin kuwa lagu dhayayo dhaawacyadii dalka soo gaaray ka dib saddex sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo kuwaasi oo horseeday dhimashada boqolaal qof.

Dr Abiy Ahmed ayaa balanqaaday in isbadal lagu samayn doono sharciyadii horseeday ku tumashada xuquuqda aadnaha dalkaasi Itoobiya isaga oo xusay in uu xaqiijin doono in mucaaradka ay door ka ciyaaraan doorashooyiinka soo oscda.

Imika mucaaradka wax xubno ah kuma laha baraalamaanka dalkaasi oo ka kooban 500 oo xubnood.

Rai’sul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa billaabay dadaalo tan iyo intii xilka loo dhaariyay bishii aanu soo dhaafnay.

Waxa xabsiyada dalka Itoobiya laga siidaayay tira saxafiyiin ah, dad u xirxirnaa siyaasadda, waxaana albabaada la isugu dhuftay xabsiyo islamarkana waxaa dib loo soo celiyay qadadka internetka ee taleefoonada gacanta oo muddo bilooyiin ah laga jaray qayba ak mid ah dalkaasi .

Balse waxaa wali dalka Itoobiya ka jirta xaaladdii degdega ahayd ee lagu soo rogay taasi oo dadka dhaliilsan ay ku baaqayaan in la qaado

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Sawiro::C/wali Gaas Booqday Qabriga Daarood Ismacil,
- Sep 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya duleedka Hadaftimo ee Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Madaxweyne Dr ...
Deg Deg Daawo Video:Muuse Biixi Ka Hadlay Socdaalka C/wali gaas Gobolka sanaag,
- Sep 20, 2018
Golaha wasiirrada Somaliland oo u Shir gudoominaayay Hogaamiyaha Maamulka somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Deg Deg Daawo Video’Hadaynaan U Midoobin Daarood Weynu jabayna’
- Sep 20, 2018
Mid kamid ah siyaasiyiinta maamulka snm oo warbaahinta kula hadlay burco ayaa sheegay in ...
Deg Deg Daawo Video:Dr Cartan Oo Ka Hadlay in cudur laga qaado Tarmuusyada Shaaha,
- Sep 20, 2018
Dar Cartan oo kamid ah dhakhaaatiirta ugu waaweyn puntland ayaa ka hadlay mashruucan indho ...
War Deg Deg Ah:Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidamada Galmudug,
- Sep 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo habeenkii xalay ka dhex ...