dahabshiil

Deg Deg::Halkeey Marasa Qorshaha Lacagta Cusub Soomaaliya Loogu Samaynaayo,

-Wasiirka Wasaarada Maaliyada xukumada fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa khudbad ka jeediyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod, taas oo uu kaga hadlay fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya ka bannaan.

Wasir Bayle ayaa yiri”Xukuumadda Soomaaliya waxay sameysay hannaan dhaqaale oo hufan, taasi oo suurta gelisay in lacagaha deynta ahaa ee lagu leeyahay Soomaaliya in laga fududeeyo oo laga cafiyo.”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta aduunka IMF iyo Banka aduunka.

Bayle ayaa hay’adahaasi u bandhigaya hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay Wasaarada uu madaxda uu ka yahay, Wasiir Beyle ayaa ka hadlaya mas’uuliyiinta uu la kulmayo sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hannaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.

Waxaana Arrinta ugu muhiimsan ee Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle kala hadlayo madaxda Bankiga aduunka iyo IMF ayaa ah in la dadejiyo qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo sanadkan 2018-da.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Firdhiye says:

    moryaan tii cashuurtii ma yeleen mise maalin ba xaashad cusub baa lagu shaqeyaa

  2. Drwsh says:

    Guuuuul guuuuuuul kikana xoownafta waa tanisocotay illaa rascasar,iyo lowyocado,somalia haloolaato cadowgeedu hajabo

  3. Lafaruugaawi says:

    War Bayle Boorama iska aad iyo JAMHUURIYADDA QARANKA SOMALILAND. FAQASH IYO QARAX BAAD Ka qaadis kuuguma qartaanne.
    Viva Republic of somaliland.




Tima Jare Xabsi U Galay Wiil Yar Uu Tinta Si xun uga xiiray !!!
- Apr 21, 2018
Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin ...
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay Safiirka Dawlada Qadar
- Apr 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha ...
Daawo: Maxay tahay Sharuudaha Looga Baahan yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha shacabka?
- Apr 21, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ...
Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaliya Oo Sirasmiya Maanta Ula Wareegtay Ciidamadii Uu Tababaray Emaratku,,,,,,.
- Apr 21, 2018
Muqdisho : Ciidamadii Imaaraadku Tababaray iyo Xeradii ay ku sugnaayeen ayaa waxaa la wareegtay ...
Deg Deg Daawo Video::Saleebaan Gaal Oo Ka Hadlay Xadhiga Buurmadow iyo Hadalkii Wasiirka Imaaraadka,
- Apr 21, 2018
Gudoomiyaha Golaha Guurtida maamulka somaliland saleebaan maxamuud Sa.gaal ayaa maanta warbaahinta kula hadlay hargeisa ...