dahabshiil

Deg Deg::Dawladda Soomaaliya War Culus Ka Soo saartay Xiisada Imaaraadka.

War Saxaafadeed ku qoran afka Ingiriiska oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay Khilaafka ka dhax aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Warka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo dhinaca Ganacsiga, Siyaasada iyo dhaqanka.

Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa cadeesay in Soomaaliya diyaar u tahay in sidii caadiga ahaa lagu soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka oo hada meel xun gaaray.

War Saxaafadeedka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa looga mahad celiyay Dowlada Imaaraartka gacantii ay ka geesatay taageerida dowlada, la dagaalanka Argagaxisada iyo gacantii ay ka geesatay dib u dhiska Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in is fahmi waaga dhinaca siyaasada ee soo kala dhax galay labada Dowladooda uu yahay mid laga gudbi karo.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda ,waxaana ay dowladda Soomaaliya soo jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Ceerigaabo man says:

    Kkkkkkkkkkk kastuumo xagee dawladu joogtaa. Villa wardhiigley kkkkkkkkkk. Bal suuqa bakaaraha ha gaadho iyo isbartiimada kkkkkkkkkkkk waxaas BAT dawlad ku sheegayaan yaa kastuumo xishooda. Qaranka barakaysan ee somaliland baa yaabay Kkkkkkkkkkk

  2. abdul salah says:

    faqashtii somalia siyaasad xumo ayaa ku dhacday haday gacmaha hoosdhiganaa oo jilbaha ka dhunkanayaan imaaraadka.

  3. darwiish says:

    Meeday bakhbakhdii iyo UAE dalka haka baxdo, sawtan villa wardhiigley baryootamaysa, mise Ramadaantii baa soo dhaw. kkkkkk

  4. ali yusuf says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Farxaan faarax says:

    Waxay arintani inoo muujinsysaa in aanay jirin dawlad soomaaliyeed ufiirso iscaydhsigii baarlamaanka, dahdagii mooshinkii Dpworld,lawareegidii lacagta, iyo iyo waa dhaqan ka madhan milgaha daeladnimo waa af iyo dhago aan ismaqlayn,indho aan arkayn waxa horyaal, waxaana usababa dhuuniraacnimo aqoondaro iyo guudahaan wadaniyadii oo aanjirin
    Koonfur xagee caqli looga raadiyaa hadaba.

  6. mohamuud says:

    waa hadal diplomaasiyadeed waa hadaad xadgudbayada joojisaan anaguna wellcome baanu idin leenahay emirat ha joojiso faragelinta qaawan ee madaxbanaanida wadanka ka hor imaanaysa taas bedelkeeda cilaaqaadku waa sii soconayaa

  7. Lafaruugaawi says:

    War dhiigley iyo warta nabada African Village iyo Ceel gaabey xaal qaado .nimaan Dabataati daadihinayn ama Dabagaabi💃 daaya lahayn dariiqa Xamar waa ku deelqaafoo Dameerka Abgaalba wuu jiidhi iyo gaadhi ximaar ama sitay ma noogto .
    Afgooyo iyo islaan tubaako cuntana reer SOMALO U DAA
    VIVA REPUBLICA DELLA SOMALILAND

  8. Drwsh says:

    somalia hanoolato shacabka somaliyeed ha amineen dawladooda intaa waxaan usheegayaa shacabka somaliyeed ee xalaasha ah.inta lashaqaysata gumaysi intaan waxba kala ogeen ee ah sanduuqa lakurito allaabada walaala yaal somaliya way guuleesatay kuwaas intaas baan kudhafayaa.waxaan inyar katabanayaa nin kale oo isna xanuunsan oo qaba xanuun magac ciisa ladheho cuqdad kana waa daweyniynaa dhakhtar weyn baan kadhisi doonaa magalada hargeysa iyo burco kabacdi waxay qadidoonaan somaliyeey tosoo isku tirsado wabilahi tawfiiq




Tima Jare Xabsi U Galay Wiil Yar Uu Tinta Si xun uga xiiray !!!
- Apr 21, 2018
Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin ...
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay Safiirka Dawlada Qadar
- Apr 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha ...
Daawo: Maxay tahay Sharuudaha Looga Baahan yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha shacabka?
- Apr 21, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ...
Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaliya Oo Sirasmiya Maanta Ula Wareegtay Ciidamadii Uu Tababaray Emaratku,,,,,,.
- Apr 21, 2018
Muqdisho : Ciidamadii Imaaraadku Tababaray iyo Xeradii ay ku sugnaayeen ayaa waxaa la wareegtay ...
Deg Deg Daawo Video::Saleebaan Gaal Oo Ka Hadlay Xadhiga Buurmadow iyo Hadalkii Wasiirka Imaaraadka,
- Apr 21, 2018
Gudoomiyaha Golaha Guurtida maamulka somaliland saleebaan maxamuud Sa.gaal ayaa maanta warbaahinta kula hadlay hargeisa ...