dahabshiil

Reer galbeedka oo dalbaday baaritaano lagu sameeyo hubka kiimikada ee dowladda Suuriya

Dalalka Mareykanka,Faransiiska iyo Britain ayaa billaabay isku day cusub oo ay ku doonayaan in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha ah in dowladda Suuriya ay isticmaaleyso hubka kiimikada.

Saddexdaan dal oo habeen hore weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u qeybiyay qaraar qabyo qoraal ah oo ay ku doonayaan in muddo bil gudaheeda ay kooxda caalamiga ah ee xakameynta hubka kiimikada ay warbixin ka soo saarto eedeymahaasi.

Mareykanka ayaa kal hore ku hanjabay in uu duqeymo dheeraad ah ku qaadi doono gudaha dalka Suuriya, haddii xukuumadda madaxweyne Asad ay sii waddo in ay adeegsato hubka kiimikada ah.

Dhanka kale, milatariga dalka Suuriya ayaa shaaciyay in uu gebi ahaanba la wareegay gobolka bariga Duuma oo ay mucaaradku maamuli jireen.

Fallaagadii ugu dambeysay ayaa basas uga baxay magaalada Duuma, iyagoo ku sii wajahan dhanka woqooyiga dalkaasi Suuriya

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Tima Jare Xabsi U Galay Wiil Yar Uu Tinta Si xun uga xiiray !!!
- Apr 21, 2018
Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin ...
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay Safiirka Dawlada Qadar
- Apr 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha ...
Daawo: Maxay tahay Sharuudaha Looga Baahan yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha shacabka?
- Apr 21, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ...
Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaliya Oo Sirasmiya Maanta Ula Wareegtay Ciidamadii Uu Tababaray Emaratku,,,,,,.
- Apr 21, 2018
Muqdisho : Ciidamadii Imaaraadku Tababaray iyo Xeradii ay ku sugnaayeen ayaa waxaa la wareegtay ...
Deg Deg Daawo Video::Saleebaan Gaal Oo Ka Hadlay Xadhiga Buurmadow iyo Hadalkii Wasiirka Imaaraadka,
- Apr 21, 2018
Gudoomiyaha Golaha Guurtida maamulka somaliland saleebaan maxamuud Sa.gaal ayaa maanta warbaahinta kula hadlay hargeisa ...