dahabshiil

Deg Deg:Maxaad Kala Socota Waxa Looga Hadlay Kulankii Raysal Wasaare Khayre iyo Maamulka….

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska, , waxaana kulankaasi goob joog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Kulankaan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo hadal dheer ka jeediyey kulanka ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho , ilaalinta hantida Umadda , sare u qaadista kalsoonida shacabka , isagoo sheegay in si dhab ah la iskula xisaabtami doono hadii ay timaado dul duleelo xagga amniga ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageeridda laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wada shaqeynta Shacabka , Maamulka Banaadir iyo hay’adaha amnigu uu yahay mid aad u sareeya taasina ay keentay guulo amni.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray qaybaha Taliska Ciidanka Booliska soomaaliyeed waxaana qaybahaasi u sharaxay waxyabaha lagu qabto Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Sawiro::C/wali Gaas Booqday Qabriga Daarood Ismacil,
- Sep 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya duleedka Hadaftimo ee Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Madaxweyne Dr ...
Deg Deg Daawo Video:Muuse Biixi Ka Hadlay Socdaalka C/wali gaas Gobolka sanaag,
- Sep 20, 2018
Golaha wasiirrada Somaliland oo u Shir gudoominaayay Hogaamiyaha Maamulka somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Deg Deg Daawo Video’Hadaynaan U Midoobin Daarood Weynu jabayna’
- Sep 20, 2018
Mid kamid ah siyaasiyiinta maamulka snm oo warbaahinta kula hadlay burco ayaa sheegay in ...
Deg Deg Daawo Video:Dr Cartan Oo Ka Hadlay in cudur laga qaado Tarmuusyada Shaaha,
- Sep 20, 2018
Dar Cartan oo kamid ah dhakhaaatiirta ugu waaweyn puntland ayaa ka hadlay mashruucan indho ...
War Deg Deg Ah:Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidamada Galmudug,
- Sep 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo habeenkii xalay ka dhex ...