dahabshiil

Deg Deg::Dawlada Somalia Oo Xayiraadii Ka Qaaday Siyaasi caan Ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraadii dhanka Safarka ka qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ,kasoo horay loogu amray in uusan ka bixi karin Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa 17-kii bishii December ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay weerareen gurigiisa, waxaana halkaasi lagu dilay Ilaaladiisii, taasoo muran badan ka dhex dhalisay dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya, waxaana uu ka Ambabaxay Muqdisho shalay.

Xeer Ilaalinta ay ku soo oogtay dambi qiyaano qaran iyo inqilaab, waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho muddo saacaddo ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay u sii deysay, kaddib markii dambi ku weysay, kaddib markii Xeer ilaalinta ay keeni weyday caddeymo ku aadan dambiyadii ay ku soo oogtay, waxaana markii dambe Xeer Ilaalinta ka qaadatay racfaan.

Ilo ku dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa inoo xaqiijiyay in xayiraada dhanka safarka ay ka qaaday Maxkamadda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka noqotay dacwadii ay horay ugu soo oogtay.

C/raxmaan C/shakuur oo horay u soo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweyne ayaa ah nin cod kar ah, si aad ah u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu bartiisa Facebook iyo Twitter-ka u adeegsadaa gudbinta afkaartiisa siyaasadeed, waxaa tiro dhowr jeer ay heyโ€™adaha ammaanka ka hakiyeen kulamo siyaasadeed uu qaban lahaa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in kaalin ka qaatay sidii loo soo Afjari lahaa xiisadii ka dhalatay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. mohamed yussuf says:

    siyaasi doqon ah oo dalkiisii gatey haddana ka gaajeysan oo aan waxba haysan waa lagu fasaxaye meelkale raadso oo aad dalka iyo dadka soomaaliyeed ka gado

  2. Saylici says:

    ๐Ÿ˜๐Ÿ˜๐Ÿ˜๐Ÿ˜ Siyaasi caana
    Doqonkii Kuukuuyoda Kenya Badda SOMALO ka gatey.
    Mooryaan Hawiye Habargidira ma doqmo daarood ayaa ayaa MUUQDILA ku gumaystey ?!!.
    Xamareey xaal qaado General Qaybdiid la bac dhabo oo kaliifkeed kala haydo nagtii kaniif loogu galo iyo mooryaan Mareexaan iyo AAr XAAR MAAJIO ii geeyaay aa ku dambeysay
    Viva Jamhuuriyadda qaranka somaliland.




Tima Jare Xabsi U Galay Wiil Yar Uu Tinta Si xun uga xiiray !!!
- Apr 21, 2018
Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin ...
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay Safiirka Dawlada Qadar
- Apr 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha ...
Daawo: Maxay tahay Sharuudaha Looga Baahan yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha shacabka?
- Apr 21, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ...
Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaliya Oo Sirasmiya Maanta Ula Wareegtay Ciidamadii Uu Tababaray Emaratku,,,,,,.
- Apr 21, 2018
Muqdisho : Ciidamadii Imaaraadku Tababaray iyo Xeradii ay ku sugnaayeen ayaa waxaa la wareegtay ...
Deg Deg Daawo Video::Saleebaan Gaal Oo Ka Hadlay Xadhiga Buurmadow iyo Hadalkii Wasiirka Imaaraadka,
- Apr 21, 2018
Gudoomiyaha Golaha Guurtida maamulka somaliland saleebaan maxamuud Sa.gaal ayaa maanta warbaahinta kula hadlay hargeisa ...