dahabshiil

Deg Deg Daawo Video::Maamulka Somaliland o Xukun Ku Riday Gabadh Midnidama Soomaaliya Aaminsan.

Maxkamada gobolka Waqooyi galbeed  somalia  ayaa xukun saddex sano ah ku ridey Abwaan Naciima Axmed Qorane.

HALKAN KA  DAAWO VIDEO

 

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa Naciima Qorane ka xidhay Magaalada Hargeysa kadib markii ay kusoo eedeeyeen inay faafinayso mabda’a Soomaaliweyn.

 

Qareenada u doodayay Naciima Qorane ayaa Warbaahinta u sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay ahaayeen waxay ugu yeedhen ceebeyn qaranimada Somaliland ah iyo sidoo kale fikrado ay ku qortay baraha bulshada, qoraaladaasi ayaa lagu sheegay inay ku taageertay Soomaaliweyn.

 

Shan iyo konton maalmood (55) oo dacwadeedu ka socotay maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa maanta ayaa xukunkaasi lagu ridey.

 

Abwaan Niciima Qorane waxaa ay ku nooleyd sanadihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kasoo guurtaydhanka maamulka somalidiidka ah ee  Somaliland.

 

Waxay ahayd dadka sida weyn ugu ololeeya Soomaaliweynimada ” qolyar ayay niman nagu soo xidhan oo shacabkayagii ayay kala googooyeen” ayay tidhi mar ay ka qaybgashay bandhig buugaagta oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

 

Hadalkaasi kadib kuma noqon dhanka somalidiidka somaliland iyadoo ka cabsi qabtay in la xidho, balse markii maamulka cusub ee Somaliland timid ayay tagtay Hargeysa si ay usoo booqato qoyskeeda oo magaalada ku nool.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Tima Jare Xabsi U Galay Wiil Yar Uu Tinta Si xun uga xiiray !!!
- Apr 21, 2018
Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin ...
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay Safiirka Dawlada Qadar
- Apr 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha ...
Daawo: Maxay tahay Sharuudaha Looga Baahan yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha shacabka?
- Apr 21, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ...
Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaliya Oo Sirasmiya Maanta Ula Wareegtay Ciidamadii Uu Tababaray Emaratku,,,,,,.
- Apr 21, 2018
Muqdisho : Ciidamadii Imaaraadku Tababaray iyo Xeradii ay ku sugnaayeen ayaa waxaa la wareegtay ...
Deg Deg Daawo Video::Saleebaan Gaal Oo Ka Hadlay Xadhiga Buurmadow iyo Hadalkii Wasiirka Imaaraadka,
- Apr 21, 2018
Gudoomiyaha Golaha Guurtida maamulka somaliland saleebaan maxamuud Sa.gaal ayaa maanta warbaahinta kula hadlay hargeisa ...