dahabshiil

AKHRISO: Magacyada Hogaamiyaasha Qaadacay shirka madaxda wadamada carbta Uga socda Sacuudiga

Amiirka dalka Qatar, Shiikh Tamim bin Xamad al-Thani iyo Madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Syria ayaa la xaqiijiyey inaysan ka qeyb geli doonin Shirweynaha 29=aad ee Hoggaamiyayaasha Dalalka Carbeed uga furmay magaallaadda DHAHRAAN ee Bariga Sacuudiga.

Dalka Qatar waxaa  shirkaasi u matalaya Sayf Bin Muqadam Al-buaynin oo ah Wakiilka Joogtada ee u jooga Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta

Amiirka dalka Qatar waxa uu shalay ka soo laabtay Safar uu ku tegay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump.

Sababaha uu Amiirka dalka Qatar u qaadacay Shirka Madaxda Carbeed uga furmay Sacuudiga ayaa u sabab ah Khilaafka Siyaasadeed ee dalkiisa kala dhexeeya daalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.

Wasiirka Arrumaaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Al-jubayr waxa uu sheegay inaan Shirkaasi looga hadli doonin Xiisadda dalka Qatar ee la go’doomiyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Cumar Xasan Axmed Al-bashiir ayaa ka baaqsaday Shirka Madaxda Carbeed, mana kala cadda sababaha rasmiga ee uu u qaadacay Shirkaasi.

Madaxweyne Al-bashiir waxa uu horey siyaasad ahaan la saftay dalka Qatar, isagoo Taageeradaasi ku kasbaday inay dowladda Qatar ballan qaaday inay Sudan ka dhisi doonaan Deked Casri ah iyo Saldhig Milliteri.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Alasad ee ay colaadaha iyo duqeymaha ku socdaan ayaa la shaaciyey inuusan ka qeyb geli doonin Shirka Madaxda Carbeed.

Bashaar Al-asad waxa uu Siyaasad ahaan taageersan yahat Dowladda Iiraan, oo ay dalalka kale ee Carabta u arkaan Khatar ku soo fool leh Mandiqadda Gacanka Carbeed.

Qaddiyadda Iiraan ayaana noqonaysa Qoddobka ugu muhiimsan ee ay Madaxda Carbeed kaga hadli doonaan Shirka uga socda dalka Sacuudiga, waxaana la filayaa inay Hoggaamiyayaasha Bayaan ka soo saaraan Khatarta ay Iiraan ku hayso dalalka Carbeed iyo Taageeradda ay siiyaan Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 13)

  1. Yusuf says:

    Farmaajo wabilaa mabd’a yacni dameer dhaan raacdey weeyaan.

  2. Xaaji xarrago says:

    Fermaajo intaasaabu u arkaa hormar

  3. Red Army Generals says:

    qolodan carabta wax inaga dhexeeya ma jiraan, somali hadaa nahay carab aya isku dhadhajinaa, laakin runta marka laga hadlo carabto wax kalay inaga aaminsan yihiin hada somali nahay.

    waxay inoo arkaan dad madow ah oo xayawaan ah, way na ina yasaan sidaa darteed.

    wax yaabaha aan ka yaabay waxaa ka mid ah, carabta qurbahan ku bartay, waxay inoo arkaan dad la carabeeyay ama la carabayn rabo oo cawaana oo an luuqad lahayn oo luqadoodi ka tagay,

    hada somali tahay carab kii is aragtaan wuxuu ku gu bilaabaya afka carabiga, hada dhahdo ma aqaan carabkaasi wuu xanaaqaya, wuxuu na dhahaya somaligan cawaanka ah oo luuqada carabiga yasaya suusan u kasayn carabiga? taas ayuu is waydiinaya carab kasta. arinta aniga shaqsian dhibta iga haysata weeye oo carab badan isku jiidhanay, luuqada hada dhahdo ma aqan oo ad somali tahay carabtu ku salaami ba mayso.

    waxaa kale oo cajiiba nin turki ah haduu carab ku dhaho luuqada carabiga ma aqaan, cid sii daba galaysa iyo cid odhanaysa carabiga ma taqaanid ma jirto.

    somaligana waxaa la rabaa in carabiga qasab looga dhigo, waa arinta aan ka yaabay.

    aniga waxay ila tahay, dadkan ururkooda j/carabta waa ina isaga baxno, bahdilaad iyo ceeb iyo ka fiirsashalaan ayay inagu tahay dad aynaan isku dhaqan iyo luuqad toona aahayn ururkooda.

    muslin hada tahay macnuhu maaha ina j,carabta ka sii mid ahaato. dalalaka iraan iyo turkigu ayagaa inooga dhow carabta, xaga deris nimada iyo dhaqanka iyo midabkaba, hadana kama tirsana urruka carabta,wayo dhaqankooda iyo sharaftooda iyo iyo luuqadooday ilaasahnayaan.

    maxaa inaga si ah inaga? oo lo leeyahay caboodkan madow luuqada carabiga muu ku hadlo?

    • Red Army Generals says:

      carabta badowiinta ah, ma oga in afkeena cadaanku ku heesaan.

      afkeena somaliga ah sida ilaahay sharafta iyo quruxda uu siiyay xarab xuni muxuu ka ogyahay?

      yutube xataa ma daawadaan, sida ajanigu ama shines ha ahaado ama cadaane afkeena loo jecel yahay loguna heeso.

      war aan isaga baxno carabtaan xayawaanka ah.

      hadii kale jiilasha somaliyeed ee danbe ama caruurteena ayay mustaqbalka dhib u keeni doonta.

  4. Lafaruugaawi says:

    Red🐖 Faqash jareer.
    Yaa Arab union SOMALO ku biiriyay JAREERYOW❓ .
    Viva Qaranka jamhuuriyadda somaliland.

    • Red Army Generals says:

      maan fahmin waxaa sheegtay, laakiin dadka mentalka ah ina tahay waa i muuqata, marka orodoo meesha lagu daaweyo dadka waalan ee snmta tag.

  5. Waali ictiraaf kaniisad bay dhaxalsiisay says:

    FARMAJO WAA LOO WACDAYE YAA JAHILKA ISMAGACAABAY U YEERANAYA.
    VIVA SOMALIWEEYN.
    HHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHAAAAAZY.

  6. Laaska_King says:

    horta ninka carab wax ka sugaaya isaga iga walee cirka roob ku og , Mr Farmaajo horta ma caqli xuma bahashuna waa siyaasad , markaas waa in uu tagaa ilaan dagaal hoose ayeynu carab isku haynaa ee mid sare oo muuqdaa hada inagama dhaxeeyo waligaana waa inaad kala ogaataa codowgaaga iyo gacanlkaaga , oo hadii cadowgu dagaal hoose kugula jiro adna mid hoosaa lala gala haduu mid muuqda kula bilaabana kaas ayaa lala wadaa hadaba meeshii lagaala qaado ayaa lagala qaadaa siyaasadu wataas , se hadii aad noqoto sida dhulbahante oo kale maanta hadaba meel u carar aan mab’da iyo siyaasad toona lahayn dee waad fashilmaysaa . yes carabtu waa #1 number uuno cadowgeeda ugu weyn waligiisba maanta maha ilaa 1000 lacnatulaahi calal carab waman waalaahum

  7. mohamood says:

    aduunka oo dhan ayaa isku xidhan Somalia weli xubin ayay ka tahay arab organization meel weli looga baxayna majirto xubin ayaynu weli kanahay .tan kale waa dawlado badan kuwa aynan isba aqoon iyo kuwo aynu saaxiib nahay iyo kuwo aynu is hayno markaa degdega joojiya .wixii soomaalidiid ahna inay ka hadlaan maaha waayo somali manihin iyagaa laga hayaa markay soomaali noqdaan hala arko . tan kale carab wax waad ka sugi inta aadan maskaxda ka fekerin lahayste ayaad ahaan maskax ahaan laakiin waa lagaashi doonaa xili aynu ururkooda ka baxno ninka Somalia kasaari doonana ilaah baa garan kuu noqon doono

    • Red Army Generals says:

      maxamod,

      fekerkaagu ma xuma, waxaad xustay qolodan waahay ee somali diidka, kuwaas wax sii jiraya maha, waa sida camal roobka xiinka ah ee inta tifiq tifiq leeya wax yar qaada ka bacdi,

      awalba ingiriis dhoodhiibi jiray, ingiriisna hada farahay ka qaaden oo ingiriiski hada vfarmaajo ayay ba usujuudaan, marka qol yahan maseer qabiil ku ku dhacay ee idoor waxba ha u arkin, ma sii jiraan,NOTHING

  8. Binary Operation says:

    Deg Deg Somaliland Oo Heeshiisyo Maalgashiyo La Galaysa South Korea Iyo Wadamo Kale

    https://www.youtube.com/watch?v=I1tVYzWLh_I

    Somaliland oo dhagax dhagax u kala tuurtay midnimadii xamar ku qarwi jirtay. lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Binary Operation says:

    UAE disbands training mission in Somalia
    ABU DHABI, 15th April, 2018 (WAM) — The UAE has decided to disband its military training programme in Somalia which started in 2014 to build the capabilities of the Somali army.

    The decision comes in response to Somali security forces’ seizure of a UAE-registered civil aircraft at Mogadishu Airport and confiscation of money destined to pay the soldiers.

    The UAE and Somalia are bound by historical relations based on mutual respect and the UAE Forces had carried out a number of training missions for thousands of Somalis to build up their capabilities. In addition, the UAE has been paying the salaries of 2407 Somali soldiers and built three training centres, a hospital, and dispatched Emirati medical teams for treating Somalis.

    The UAE is supervising the counter-piracy maritime police force in Puntland where the UAE has been effectively contributing to leveraging the capacities of the Somali military and security facilities while supporting efforts to fight terrorism in collaboration with a number of international parties and the African Union’s forces in Somalia.

    The UAE has expressed its denunciation of the seizure incident which flies in the face of diplomatic traditions and ties between world countries and contravenes the agreements signed by both countries.

    WAM/Hatem Mohamed/Tariq alfaham

    http://wam.ae/en/details/1395302682188




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...