dahabshiil

Deg Deg:Imaraadka oo Isaga Baxay Deegaanka Puntland sababta Akhriso,

Hawlwadeeno, madax iyo saraakiil ciidan oo Puntland u joogey tababarka iyo taakulaynta ciidamada bilayska badda Punland ee PMPF (Puntland Maritime Police Force) ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kadib khilaafka sii xoogaysanaya ee Imaaraadka iyo Somaliya.

Qalab uu kamid yahay Radar ku xirnaa garoonka diyaradaha Boosaaso ayay hore u qaateen Imaaraadku balse waxay gebi ahaanba ka tageen agabkii ciidan ahaa ee Puntland ka yaaley.

Saraakiisha Imaaraadka ayaa dhowaanahan cadaadis xoogan saaray Puntland si ay u cadayso mowqifkeeda xiriirka sii xumaanaya ee Somaliya iyo Imaaraadka, waxayna Imaaraadku Puntland ugu baaqeen inay soo saarto warsaxaafadeed Imaaraadka lagu taageerayo.

Balse Puntland ayaa diidey dalabka Imaaraadka sheegtayna in qadiyadan u dhaxayso labada dawladood ee Imaaraaadka iyo DF Somalia Puntland na ay khusayso arimaha Puntland oo keliya.

Imaaraadka ayaa arintaas kaga jawaabey inuu la baxo tababarayaasha ka jooga Puntland iyadoo dhanka kale ay sheegeen inay joojin doonaan mushaharka ay siiyaan ciidamada Puntland ay u tababareen ee PMPF

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Hirad says:

    Anaka ma oromaad noo heysataa sideed noogu warramaysaa 9 millions of Dollars ka xamar lagu baabinayay sawtii wiigii hore boosaaso laga raray inta imaaraatka toos looga keenay

    Boowe putiland wey budhbudhay

  2. Xaaji xarrago says:

    Emaratka Ethiopia iyo iiraan iyixataa Israel iyo inta somalia cadowga ay isku yihiin oo dhan anagaa soo dhawaysanayna Somaliland guuul

  3. axmed says:

    Imaaraatka Iidoor baa dabada u dhaqa, ka helimayaan Puntland. walee dharkaa lagala baxey, dhibka ayagaa bilaabey hadeyba dhaheen Puntland Mowqifkeeda ha cadeyso in ay taageereyso Dowlada Somaliya iyo in ay annaga na tahey? taasi maangaabnimada iyo nacasnimada imaaraat haysa ayey cadeysey. maba oga Puntland in ay tahey Gobolla Somaliya ka tirsan , wey isku xaareen.

  4. leopon says:

    waa doqomo lacag fasahaadisay.1977 ayaa gabigoodaba lasameeyay dalkooda. Somalia kumanaan sano kahor ayay aduunka iska dhicinaysay markaasay rabaan inay gumaystaan maantay. Iyagoo qaybi oo xukun iyo lacag wata.




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...