dahabshiil

Trump oo ka laabtay baaqiisa kordhinta da`da hubka lagu iibsan karo

Qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee joojinta toogashooyinka iskuulka ee uu mararka badan ka hadlay kumay jirin in kor loo qaado da’da qofka gadan kara hubka oo la gaarsiiyo ilaa 21.

Balse wuxuu ku adkeysanayaa soo jeedintiisa muranka badan dhalisay ee ahayd in la tababaro shaqaalaha iskuullada.

Maxadaxweynaha ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in aysan jirin taageero siyaasadeed oo kor loogu qaado da’da ugu yar ee iibka hubka.

Dadka Mareykanka waxaa loo oggol yahay in ay qoryo iibsan karaan marka qofku uu gaaro 18 jir, halka loo oggol yahay qofka 21 jir ka ah in uu bastoolad qaadan karo sida uu u oggolaanayo xeerka federaalku.

Aqalka cad ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa habeenkii Axadda, kaddib weerar lagu qaaday dugsiga sare ee Marjory Stoneman Douglas ee ku yaal Parkland, Florida, 14kii bishii Febraayo.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa qeexay qorshaha maalintii Axadda in uu yahay fulinta talo soo jeedintii madaxweynaha ee ahayd in tallaabo la qaado kaddib dhacdadii Parkland.

Waxay soo jeedineysaa:

Barnaamij dhaqaale oo lagu tababaro shaqaalaha iskuullada si ay u adeegsadaan hubka

Iyo in saraakiisha booliiska ee shaqada ka fariistay ay noqdaan macallimiin

Iyo sidoo kale in la sameeyo baaritaanno dhanka dhimirka ah

Aqalka Cad ayaa sheegay si nabad gelyada iskuullada loo ilaaliyo in guddi heer federaal ah ay qiimeyn ku samayn doonaan arrinta da’da hubka lagu qaadan karo

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...