dahabshiil

War Deg Deg Ah::Ciidanka Madaxtooyada Somalia Oo Toogtay Hanti-dhowraha Qaranka.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay Gaari uu lahaa Hanti-dhowraha Guud ee qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye”.

Goob joogayaal ayaaKhaatumonews u sheegay in Gaariga ay Taayarada ka banjariyeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya gaarigaas oo ahaa Bullet buruuf “Kuwa aan Xabadda Karin”

Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye” ayaa ka maqnaa Gaariga waxaana la aaminsan yahay in uu saaran yahay oo kaliya Darawalka, Wadaha Gaariga ayaa diiday in uu furo Albaabada Gaariga si loo baaro waxa uuna isku dayay in uu xoog ku soo maro Xarunta Ciidanka waxaana kadib Qoriga culus ee ka dhaca Gaariga nuuca Cabdi Bile ah la sheegay in ay Ciidamada ku fureen waxa ayna taasi ay sababtay in Gaariga uu Taayarada ka Banjaro.

Qaar ka mid ah Ciidamada ku sugan agagaarka Sayidka ayaa Khaatumonews u sheegay in aan ilaa hadda Banaanka u soo bixin Wadaha Gaariga lana ogayn sababta uu wali ugu dhax jiro, Warar kale ayaa sheegaya in uu wacday mas’uuliyiin Islamarkaana uu sheegay in uu ka baqayo Ciidanka rasaaseeyay Gaarigii uu watay.

Gaariga Bullet buruuf waa Gaari aan karin Xabadda waxana ay arintaasi sababtay in Wadaha Gaariga uu halkiisa kala socdo dhaq dhaqaaqa banaanka ee Ciidamada, amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad maanta loo adkeeyay waxaana agagaar Sayidka ka socda Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hanti-dhowraha qaranka oo aan la xariirnay wali nooma suurta galin in aan helno si aan wax uga weydiino arintaan, sidoo kale Laamaha amaanka Soomaaliya wali kama hadlin falkaan ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...