dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Ruushka oo tijaabiyay gantaal xambaari kara Nuyuukleer

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay gantaal aad u weyn oo ah nooca xambaari kara hubka nuyuukleerka, ahna noociisa kii ugu horeeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bishii hore ayuu madaxweyne Putin balanqaaday samaynta iyo tijaabinta gantalaadan.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya gantaalkan oo laga ganayo diyaarad nooca dagaalka ah.

Gantaalkan waxa uu xawaarihiisa 10 jeer ka badanyahay kan jamaqda, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 2,000 km.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Kinxhal ayaa ah qalabka dagaalka ee ugu dambeeyay, islamarkaasna Ruushka aad ugu faanaan.

Madaxweynaha Ruushka Putin oo 1-dii bishan Marso akhrinayay khudbad uu dalkiisa u jeedinayay ayuu shiday muuqaal u muuqday in uu muujinayay gantaalo ku hoobanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in arrintaas aysan ahayn fal suurtogal ka ah dal xilkas ah oo beesha caalamka ka mid ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




War Deg Deg Ah Dhagayso:Xaalada Jiida Tukaraq Ee Saaka.
- Jun 20, 2018
Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi dagaal ayaa saaka oo Arboco ah laga dareemayaa deegaanka Tukaraq ...
War Deg Deg Ah::Madaxweynaha Soomaaliland oo Garoowe Ku Soo Wajahan
- Jun 20, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya ...
Madaxda Puntland iyo kuwa Federalka oo hadalao kulul isku dhaafsaday Telephone ka kadib cadaadis la rabey in Puntland la saaro (Warbxin)
- Jun 20, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay inuu Puntland ku qanciyo joojinta dagaalka Sool isagoo madaxda ...
Deg Deg Daawo;- madax Weyne farmaajo Markii ugu horaysay kahadlay Heshiiska Somali iyo Ethopia
- Jun 19, 2018
Deg Deg madax Weyne farmaajo Markii ugu horaysay kahadlay Heshiiska Somali iyo Ethopia HALKAN RIIX ...
Deg Deg Daawo Video:Kooxdii Cali khaliif Oo Tidhi Kumaanan Biirin Somaliland.
- Jun 19, 2018
Waxaa indhawaale Magaalada Hargeisa ku sugna Xubno uu  kamid yahay Maxamud cabdilaahi cali caanonuug ...