dahabshiil

R/wasaare Kheyre oo Xildhibaano u adeegsanaya Mooshin Muqdisho ka socda

Warar hoose oo ay heshay Khaatumonews  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu xalay kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaanadan oo ka kala socday labada Aqal ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre uu iskugu yeeray wuxuuna kala hadlayay Mooshinka Muqdisho ay ugu abaabulayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada u sheegay in xiligan oo Xukuumadda wax badan ay qabatay aysan habooneyn in mooshin iyo wax la mid ah waqtiga lagu lumiyo, wuxuuse sheegay in cida Mooshinka abaabuleysa ay u shaqeyso Mucaaradka diidan Nabad iyo Nolol.

 

Kheyre ayaa heshiis gaar ah la galay Xildhibaanadan oo ay isku raaceen inay ka hortagaan mooshinkan inta uusan furmin Kalfadhiga baarlamaanka.

 

Xildhibaanadan ayaa balanqaaday inay xukuumadda kala shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa mooshinka Muqdisho lagu abaabulayo.

 

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya marka uu furmo Kalfadhiga baarlamaanka inuu wajahi karo xil ka qaadis.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. BUHODLE MAN says:

    subxaan,war yar kan meeshu garabada ku cuni jiray ha lagu celiyo,raywasare wax kama oge.




Deg Deg Daawo Video:Ciidamo Badan ka Goostay SNM iyo Maamulka SNM Ka Hadlay.
- Jun 21, 2018
Dhowaan waxaa deegaamo katirsan gobolka Sool lagu soo bandhigay ciidamo horay uga tirsanaa ciidanka ...
Deg Deg:Dhiigya Cab U Dhashay Maraykan Oo Garoowe Ku Aroostay
- Jun 21, 2018
Browns Camp July 2009 ayuu dilay u gaystay oday 73 jira ah jun 2018 ...
Deg Deg Daawo Video:Beesha Maxamuud Garaad Oo tidhi”Bahrarsame Waxaanu Uga Fadhina Jawaabta Falka Cabdi Khayre Kula Kacay Gabdhahayaga Islayay’
- Jun 21, 2018
Odayaal iyo waalidiin kasoo jeeda Gobolka Sool oo heyb qoys la wadaaga labo gabdhood ...
Deg Deg:Madaxtooyada Hargeisa Oo Qasan iyo Wararkii Ugu Danbeeyay
- Jun 21, 2018
Hargeisa{Khaatumonews}Kadib jaah wareerkii hadheeyay maamulka SNM kana dhashay dagaalkii tukaraq waxaa uu sababay in ...
Deg Deg Daawo Video::Mudaharaad Ka Dhacay laascaanood………………..
- Jun 20, 2018
Shacabka laascaanood Ayaa Dhigay Mudaharaad xoogan oo ay uga soo hor jeedaan maleeshiyada SNM ...