dahabshiil

Madaxda sirdoonka Maraykanka oo Ruushka weeraray

Madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar.

Madaxda hay’adaha kala duwan ee sirdoonka ayaa hadalkan sheegay mar ay warbixin siinayeen guddiga aqalka Senate-ka u qaabilsan arimaha sirdoonka oo sannadkiiba mar ka arinsada halista soo waajihi karta Maraykanka.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka, Dan Coats, ayaa sheegay in ujeedada Moscow tahay inay wiiqdo kalsoonida shacabka dalkaasi ku qabaan dimuqraadiyadda Mareykanka.

Bartamihii sanadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa u sheegtay aqalka Congress-ka in ay hayso cadaymo muujinaya in burcadda internetka Ruushka ay bartilmaameedsadeen nidaamka doorashada Maraykanka ee 21-ka gobol ee doorashadii madaxtinimada ay ka dhacday sannadkii la soo dhaafay.

Jeanette Manfra oo madax ka ah waaxda ammaanka ee internetka ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay hufnaanta doorashada Maraykanka laakiin waxay qirtay in waxdeeda aysan tijaabo ku samayn qalabka codaynta.

Hay’adda dambi baarista gudaha Maraykanka ee FBI-da ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynaysa isku-deygii Ruushka uu ku sameeyay inuu farageliyo doorashada iyo xiriirka ka dhaxeeyay Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo iyo guddiga ololaha Trump

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. BUHODLE MAN says:

    2 daasina waa jiir iyo bisad,loo

    dad baa u haysta in usa iyo rushku heshiinayaan,

    waligood heshiin mayaan dagaal qabow oo dhamaadayna majiro,

    waabu ka sii darayaa,lool

    taa bedelkeeda adeer guul iyo gobanimo,in maraykan rag kaga qaylisiiyaa ay aduunkan ku nool yihiin,

    wuxuu mooday aduunkka farmaajahan misiinka ah ee inta somalia marna laa caayo oo shithole lagu sheego marna travel ban lagu soo rogo an juuq dhaayn,

    aduunku saas maha adeer rag baa ku nool addunkan,

    viva putin




Deg Deg Daawo Video::Madaxweynaha Puntland Oo Waraysi Xaasaasi Ah Siiyay Puntland Tv iyo Arrimaha Uu ka Hadlay,
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Ayaa waraysi Xaasaasi  ah uu Siiyay PuntlandTv  waxaa uu uga ...
Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga
- Jul 20, 2018
Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ...
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Amaro Culus Bixiyay
- Jul 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga ...
Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka
- Jul 20, 2018
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ...
Deg Deg Daawo Video:Cabdiweli Gaas Oo Muuse Biixi Ku Tusaaleeyey Tuug intuu Kuusoo Dhacay Hadana Kuleh Ma-heshiinaa.
- Jul 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium ayaa ...