dahabshiil

Deg Deg:Wadahadalkii ONLF Iyo Itoobiya Oo Galay Waji Adag.

Waxaa maalintii saddexaad galay wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo Jabhadda ONLF ee Itoobiya ka dagalanta iyo Dowladda dalkaas, kuwaasoo ka socda goob qarsoodi ah.

Afhayeenka Jabahdda C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa BBC-da u sheega in wadahalladan ay u muuqdaan kuwo miro-dhal noqon kara, iyadoo saddex sano ka hor ay soo billowdeen wadahadalladan.

“Ma ahan markii ugu horreysay oo ONLF iyo Itoobiya ay wadahadalladan oo kale isugu yimaadaan, balse waxaan innagu go’aansanay in hab wadahadal ah lagu dhameeyo khilaafka muddada fog soo billowday,” ayuu Hirmooge ku sheegay wareysigiisa.

Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabahadda ONLF ayaa sannadihii 1989-kii iyo 1990-kii isugu yimid wadahadallo noocan oo kale, inkastoo ay guul-darro ku dhammaadeen.

Wadahadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah xubno Xukuumadda Kenya ka tirsan, kuwaasoo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahalladan xilligaan u socda labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Kenya ee wadahalladan dhex-dhexaadinta ah hoggaaminaya ayaa waxaa ka mid ah; Xildhibaan Yuusuf Xasan, Guddoomiyaha Maamulka Gaarisa, Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Afeey, waxayna dhammaantood muujiyeen rajo-wanaagsan.

“Kulammadan socda waxaan rajeynaynaa inay kasoo baxaan natiijo wax ku nool ah, waxaana jiri doona kulammo kale oo heshiisyo lagu kala saxiisan doono,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka Jabahdda Itoobiya dagaalka ka wadda ee ONLF.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Itoobiya ayaa waxaa wadahadalladan dhankooda u matalaya xubno ka socda wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muujinaya rajo ka wanaagsan wadahalladii kuwan ka horreeyay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. BUHODLE MAN says:

    LOOL,GABRE ALA KU SII QAAD, WAA KA DHINACA MIDIGTA UGU XIGA.

    RAGA SOMALIDA WA KA DHAADHEER YIHIIN DULIGAN XABASHIDA, BAL WAXAAS FOOLXUMADOODA IYO GAABNIDOODA FIIRI,WAA BAKHTI,MANA SII GUMAYSAN KARAAN UMAD SOMALIYEED,

    NACALA TALAA CALAYKA.

    GOOD NEWS THAT ITOOBIYA BURBURKEEDA LA SO GAADHAY.

    WAAYO OROMADII OO AH CHIESKA GEESKA AFRIKA AYA GADOODAY CID CELIN KARTANA LAMA ARKO, WAANA IN SOMALIDU ISU ABAABUSHA BURBURKA KU SOO WAJAHAN XABISHIDA, QOOMIYADAHA O DHAN WAA DIYAAR SI MARKAN AAN CIDINA JAANIS U LUMIN.

    XATAA REER GALBEEDKA FACISTIGA AH EE TAAGERI JIRAY XABASHIDAN GAAGABAN EE URAYSA AYA HADA QUUS KA TAAGAN OO ARKAY INAYSAN WAX RAJA AHA KA SOO SOCON.

    WAXA LA SOO GAADHAY XILIGII QASHIN OO DHAN MEEL LA SARI LAHAA, QASHINKAASOO AH HADHAAGI GUMAYSTA YASHA REER YURUB KA TAGEEN.

  2. libaax hawiye says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




Deg Deg Daawo Video::Saleebaan Gaal Oo Ka Hadlay Xadhiga Buurmadow iyo Hadalkii Wasiirka Imaaraadka,
- Apr 21, 2018
Gudoomiyaha Golaha Guurtida maamulka somaliland saleebaan maxamuud Sa.gaal ayaa maanta warbaahinta kula hadlay hargeisa ...
Deg Deg::Xuutiyiinta Yeman oo taageeray Soomaaliya, digniina u diray Imaaraadka.
- Apr 21, 2018
Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa waxa ka hadashay Khilaafka soo gala ...
Deg Deg Dhagayso:Gaas Oo Imaaraadka U Dhoofay Fariina U Diray Muuse Bixii.
- Apr 21, 2018
Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka ka dhoofay magaalada Boosaaso kuna sii ...
Daawo Video::Qosol:Kiin Jaamac Oo U Quus Gooysay Culimadii Tidhi Is Astur Caawana Soo Fuushay Masxara iyadoo Allow sahal Amuraha ah,
- Apr 21, 2018

Deg Deg:Ganacsade caan ah oo Ku Geeriyooday Gobolka
- Apr 21, 2018
Ganacsade kayse cabdiraxmaan xaaji ibraahim ayaa caawa saladii maqrib ku geeriyooday gobolka sool  magaalo ...