dahabshiil
Loading...

Deg Deg:Madaxweynaha Tanzania Oo Ragga Dalkiisi Ku Soo Rogay Amar Cusub,

Madaxweynaha Dalka Tanzania John Magufuli,ayaa amray Ragga u dhashay dalkaas in ay guursadaan wax ka badan hal xaas kaddib markii ay badatay mushkiladda Haweenka uurka qaada iyaga oo aan la guursan.

John Magufuli,ayaa ku baaqay si loo yareeyo gogol dhaafka iyo in Haweenka qaar ay la seexdaan Rag xaas leh ay muhiim tahay in Raggu guursadaan xaasas 2 iyo wixii ka badan ah.

Magufuli, ayaa sheegay in Ragga Tanzania ay tiro ahaan ka yaryihiin Haweenka iyada oo 40Milyan oo Haween ah ay ku noolyihiin Tanzania marka loo bar bar dhigo Ragga dalkaas oo gaaraya 30 Milyan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay goob 14,000 oo Rag ah lagu barayay heerarka kala duwan ee nolosha ayaa yiri “idima qasbayo,waxaa ay iga tahay dhiirro gelin iyo sharaf dhow,waxaan idinku baaqayaa in aad guursataan 2 xaas iyo ga badan”.

Madaxweyne Magufuli ayaa sanadkii la soo dhaafay amray in Gabdhaha ardeyda ah ee qaada uurka sharci darrada ah aysan iskuulka ku laaban Karin,islamarkaana sidaas uga haraan waxbarashada.

Waxaa uu dhaleeceyn badan kala kulmay Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha,waxaana hadda uu talo ku jeediyay in Raggu guursadaan Haween badan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg:Khayre iyo Farmaajo Oo Ku Muransan Hal Arrin.
- Feb 17, 2018
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Wakaalada Khaatumonews u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed ...
Deg Deg::Dawladda Maraykanka Oo Digniin Ka Soo Saartay Xaalada Itoobiya.
- Feb 17, 2018
War ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa digniin kasoo saartay xaalada ammaanka dalka Ethiopia ...
Wariye Sadex Cisho laascaanood ugu Xidhan Horgal iyo Saxaafada Laascaanood Oo Tahli Weyday Cambareyn Xata,
- Feb 17, 2018
Waxaa Magaalada laascaanood ee caasimada gobolka sool oo in mudo ah ay gacanta ku ...
War Deg Deg Ah:Dr Cali Ciise cabdi Oo Ka Hadlay Duulaanka Jabhada SNM ee Tukaraq,
- Feb 17, 2018
Dr cali Ciise cabdi Oo kamid ah Aqoonyahana reer khaatumo Ahna aas aasayaashi Khaatumo ...
Kheyre Oo Ku Amray Wasiir Islow Inuu Is Casilo
- Feb 17, 2018
Ra’iisul asaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray Wasiirka amniga gudaha ...