dahabshiil

Sir Culus::Tukaraq Maxaa Hortaagan In Dagaal Ka Dhaco Maxaase la Gudboon Dhulbahante.

Muddo ka badan hal bil waxaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool isku horfadhiya ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland, tan iyo markii ciidanka Soomaaliland ay qabsadeen deegaankaasi 8-dii bishii January.

Ciidanka labada dhinac oo isu jira masaafo aad u yar ayaan weli gelin dagaal rasmi ah oo deegaankaasi gacan kuhayntiisa ay ku kala qabsanayaan waxaana deegaanka maalinba maalinta ka dambaysay kusii qulqulaya ciidamo kugaashaaman gaadiidka dagaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii Soomaaliland qabsatay deegaankaasi sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo Soomaaliland haseyeeshee ay tixgelinayso codsiyada beesha caalamka iyo dalalka deriska ah, taasi oo u muuqatay inuu jiro cadaadis beesha caalamku ku doonayso inay dhex dhexaadin ka samayso xiisadda cusub.

Dhanka kalena, maamulka Soomaalilan ayaa diidey inuu ka boxo deegaankaasi waxaana ay sheegeen inuu yahay dhul uu siiyey maamulkii gumaystihii Ingiriiska oo maamuli jirey deegaamada maamulkaasi.

Haddaba qaar kamid ah siyaasiyiinta beelaha dega gobolka Sool ayaa sheegay in wax kasta la diyaariyey haseyeeshee dagaalka ay hortaagan tahay beesha Caalamka oo Muuse Biixi ka dhaadhicinaysa inuu ku laabto deegaanka Gambara

Hadaba Marhadii xaalku yahay Puntlnd waxay ku qanacsan tahay in lagu laabto Gambadha oo dhulka kale ssc la sii haysto somaliland waxay ku qanacsan tahay in Ay tagto yoocada maxaa la gudbnoon umadii lahayd dhulkan lagu Hirdamaayo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. AARKA BURCO says:

    Beesha caalamku deee hanaga saarto TUKARAQ iyo BOOCAME!

    AJAJAJAJ

  2. yaabane says:

    Wagger wager beesha calaamku dan kama le somali maryolay haday is disho iyo haday is dawato. Lakiin awood lagu weraro ma hayno. Gas baa saxexay dagal. Barlamanka ansixiyay maxaa hor tagaan

  3. Haliye says:

    Waa su’aal muhiim ah Gambara reer sool maku qanci doonaan?
    GAAS wax ma soo wado laakiin shacabka Harti iyo Daarood wuu taageersan yahay xoraynta dhulka ee cidna wax haka sugina ee bilaaba dagaalka.

  4. Lafaruugaawi says:

    Halamash naagood
    Dhabayaco biddooda iyo ilma Mallay xadhig ku dabe Jamhuuriyadda somaliland waa is taqasniine Caluula iyo xaafuun baannu idinku haysanaaye iyo Eyl iyo Qandala ee maxaa idinka 15 ah Tuka raq Yoocadaane PM yadii ku rakibannoo Tuulada Garoowe iyo calooley cabdi gaas shiiiskayagaa saarane

  5. Maxamad says:

    kkkkkk beesha caalamka kulahaa orod carruurta waxaa ugu sheekeedee, puntland xaqiiqada way aragtaa isna halligi mayso haddii dagaal dhacona iyagaa u nugul caasimaddoodii garoowena la dul fadhiyaa nin libaax dul taaganyahay soo gartii maaha neefta isku xeji hana dhaqdhaqaaqin kkkkkkkk waar quuso puntland qashar ridi maysee dhulna kama maqnee kkkkkkkkkkkk togba taagtii buu rogmadaa, puntland way fahamsantahay in dhulkeedu yahay bari,nugaal,haaf mudug kkkkkkkk boowe innaka dhul innagama maqna ee yaynaan far taagin illeen gaalkacayo ka sokayn maynee.

  6. Maxamad says:

    Waxay maliishiyo isugu habar wacatay maxaa shiiqiyay kkkkkkkk dee iyagiibaa abhinaya oo leh ariboowe annana hanna dhul tirina idinna hays halligina kkkkkkkkkkk ariboowe beloy ninkaa doono ma bootadaad run moodday caamada lagu khaldayo macneheeduna yahay yaan lagaa garan bahasha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  7. Somalilander says:

    Beesha Caalamky Koonfurta Somalia ayay u talisa. Somaliland uma taliso.

    Somaliland rag u dhashay ayaa taladeeda gacanta ku haya. Hadii Banki Muun xaaro oo dhuuso wax uu ka qaadaya ma jirto.

  8. Maxamad says:

    Antonio Guterres kkkkkkkk aar maxaa kuwan naf haysa beesha caalamka somaliland waxba uma yeedhiso cidna dhulkeeda taako ka mid ah gorgortan kala geli mayso.

  9. axmed says:

    Gaas, Gaas iyo Biixi, waxaad u haysataan ma aha, labadaba fartaa loogu yeeraa amar kasta oo ay bixiyaan , hadii aan la dooneyn ma soconayo. dadkaan waa loo taliyaa. waa horey is dili lahaaayeen. Somaliland ,hadey Dowlad Gaara ku fekerayaan , wey khaldameen. Soamli idiin ma ogola , Caalamkuna ma ogola, Tukarraq baad sheegteye, Muse Hadii la dhaho Hargeysa ka baxwuu ku qasban yahey.




War Deg Deg Ah Dhagayso:Dil Foolxun Oo Ka Dhacay Qardho iyo Garoowe Dhexdooda,
- Aug 20, 2018
Dil argagax iyo naxdin ku reebay bulshada reer Puntland ayaa ka dhacay inta u ...
War Deg Deg Daawo Video:Amaanka Ceerigaabo Wararkii Ugu Danbeeyay Maamulka SNM Ka Hadlay,
- Aug 20, 2018

Deg Deg Daawo Video:Caare Qardho Kula Hadlay Warbaahinta”Waxaan U Dulqaadan Waayaay Dulmiga Jeegaanta’
- Aug 20, 2018
Sidii Shabakada Caalamiga ah Khaatumonews.com Idiin ku soo Gudbisay wararkii Hore Waxaa Bays Maletari  ...
War Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya War Culus Ku Dhawaaqay.
- Aug 20, 2018
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay ...
War Deg Deg Ah::C/wali Gaas Soo Saaray wareegto
- Aug 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ...