dahabshiil

Laascaanood In laga Waayo Talaagada Maydka Waa Mid Muujinasa Heerka Hoose Nolosha Gobolkaasi ku sugan yahay.

Magaalada laascaanood Ee caasimada Gobolada SSC ama dhulbahante Waxaa Mudo 10 Sano ah Gacanta Ku hayay Maleeshiyaadka isaaq.

Waxaa jira oo dabayaal maleeshiyaadka isaaq ee Gobolkaasi haysta xubno ka soo jeeda Gobolka oo Heer wasiiro ah Kuwaaso Markay la Hadlayaan dadka Gobolkaasi ku faana inay maamulka Beesha SNM Laascaanood ka fuliyen Horumar.

Nolosha laascaanood Ma Dhaafsiisna tan iyo markii Isaaq Qabsaday.Meherad Cusub oo Shopin iyo Jalaato taal.iyo Meherad Dharyaal.Farmasi ama Goobo caafimaad oo aan lahayn tayo weyn oo Looga caafimaad Doonto Garoowe iyo Hargeisa.

Laascaanood Ma Dhafsiisna Muqeedu Guryo Dhisan oo maato ku Nooshahay Labis iyo Xarago aan Xor ahayn.

Qof Dhaawac Culus ah laascaanood Laguma Dadiibo waana la Dhaafiya malaha Cusbitalada laascaanood Awood Dhamaystiran iyo Dhakaatiir Buuxda Full Dr.Sababtuna waa dadkii u Dhashay oo Intii Damiirka iyo Aqoonta lahayd isaga Tagen markii Xoog lagu Muquun Saday magaaladaasi.

Wali Qof ku Dhintay laascaanood Ma Oolin wax Ka badan 5 Saac ama kaba yar.

Alle Hawnaxariiste 3 Bishan Koobaad 2018 laascaanood waxaa ku Dhintay Garaad Cali Buraale Xasan oo kamid aha Isimada ugu faca weyn Dhulka SSC.

Garaadka Markii ay u timdi Tii alle waxaa Shir dagdag Ah Qabtay Guddiga qaban qaabada Aaska garaadka oo Sheegay in shanta Bishan garaadka aas Qaran loogu samayn Doono laascaanood.

Waxaa La damcay in Cusbitaalka weyn ee laascaanood La dhigo garaadka lana galiyo talaagada maydka.balse nasiib daro Cusbitaalka dhan ee gobolku oo maamulka isaaq Gacanta ku hayo malaha wax Talaagad ah,

Waxaa dhacday in Cusbitaalo kale iyo goobo kale oo caafimaad oo gobolka kuyaal loo yaacay iyadoo aakhirkiina talo ku soo ururtay in laascaanoodba aanay jirin Wax talaagad mayd ah oo taal.

Fashilka iyo ceebta Gobolka maaha mid saaran cid kale waa mid Muujinasa magaalo lahaysto nolosheeda dhabta ah.

Garaadka waxaa looga doonay talaagad Kiro ah Gobolka Nugaal Garoowe Oo hada Talagadii looga soo Kireeyay Loona Dhigay Hoygiisa.

Isku soowada duubo Tani maanta dhacdey Dhulbahantow isaaq wax idiin qabanaya majire Nafihiina nolol uraadsada oo talaagad Doonta.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO;-Wariye Reer Hargaysa Oo Banaanka Keenay fashilkii Karaacay Somaliland Arinta Imaraadka Iyo DP WORD Xog Halis ah
- Apr 21, 2018
Wariye Reer hargaysa Oo banaanka Keenay Xogdhaba Oo Kusaabsan heshiiska maleeshiyaadka Somaliland Iyo imaraadka ...
Daawo Video: RW Kuxigeenka Dalka “Nidaamka federaalka waa In Wada Xaajood Laga Galaa,,,,,,.
- Apr 21, 2018
RW Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa yiri Nidaamka federaalka waa in wada xaajood ...
Tima Jare Xabsi U Galay Wiil Yar Uu Tinta Si xun uga xiiray !!!
- Apr 21, 2018
Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin ...
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay Safiirka Dawlada Qadar
- Apr 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha ...
Daawo: Maxay tahay Sharuudaha Looga Baahan yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha shacabka?
- Apr 21, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ...