dahabshiil
Loading...

Deg Deg::Dowladda Somalia oo Xabsiga dhigtay Saraakiil Militari oo Beesha Habar gidir Ah?

Warar hoose oo ay heshay Khaatumonews ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Saraakiil Ciidan oo la sheegay iney hogaaminayeen dagaal beeleed ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Xabsiga la dhigay ayaa la sheegay iney ku heyb yihiin Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo Dowladda mucaaradsan,waxayna saraakiisha xabsiga la dhigay ka xumaayeen Weerarkii lagu qaaday guriga C/raxmaan shakuur laguna dilay 6-askari oo ilaalo u ahayd.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga iyo Ciidamo hubeysan oo ka gadooday weerarkii C/raxmaan Cabdi shakuur qaab qabiilna u abaabulan ayaa gudaha Muqdisho soo galay,kuwaasi oo doonayay iney qaadaan dagaal looga jawaabayo weerarkii Siyaasiga lagu qaaday,waxaana arintaasi dhexda u galay oo arinta qaboojiyay Waxgaradka Beesha iyo Ugaaska Beesha Mudulood oo dib u celiyay Ciidamada.

Saraakiisha Xabsiga la dhigay oo tiradooda aan la shaacin ayaa xogta sheegeysaa iney hadda ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee Xamar,halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay iney cafisay Mucaaradka Dowladda ka hojeeda,oo ay kala dan lahayd C/raxmaan C/shakuur.

Loading...

Turkiga oo ciidamo iyo Taangiyo soo dhoobay xuduuda Suuriya
- Jan 17, 2018
Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay in ay suuragal tahay weerar ay ku qaadeen laba ...
Ninkii Trump buugga ka qoray oo Congress-ka ka hor marag furaya
- Jan 17, 2018
Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in madaxii hore ee istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, ...
DAAWO:-Kooxdii Cali Khalif Ee Caynaba oo Isku laayey Ciidamadii somaliland u qortay iyo masuul Iscasilay
- Jan 16, 2018

DAAWO;-Galaydh Oo Hargaysa Kusoo hungoobay Rabana inuu fursad Kale ka Abaabulo beeshiisa
- Jan 16, 2018
Degaanka kalabaydh ee gobolka sool ayaa lagu soo dhaweyay Dr Cali Khaliif Galaydh Oo ...
DEG DEG DAAWO;-Jiidaha gobolka Sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland
- Jan 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta ...