dahabshiil
Loading...

War Deg Deg Ah::Qarax ka dhax dhacay gudaha Guri ku yaalla magaalada Muqdisho

Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen nin ku sugnaa guriga, oo looga shakisan yahay in qorshahan uu watay.

Sidoo kale hay’adaha ammaanka ayaa la wareegay guriga qaraxa uu ka dhacay, ilaa laga soo saarayo baaritaanada ugu dambeeya, ee la xiriira qaraxan iyo cida ka dambeysay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan, oo dadka degaanka xalay ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.

25-kii October 2017 inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee degmada Kaaraan xilli habeen ah waxaa ka dhacay Qarax guri lagu diyaarinayay, hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay.

Loading...

Maxay Tahay Sababta Aanay Madaxda Federaalku U Soo Booqan Gobolada Waqooyiga?
- Jan 17, 2018
Afar madaxweyne oo soo booqday deegaanka Puntland midna ma uu san soo booqan goob ...
Deg Deg::Maraykanka oo hakinaya gargaarkii uu siin jiray hay’ada Qaramada Midoobay Sababta Akhriso.
- Jan 17, 2018
Maamulka Trump ayaa hakiyey in ka badan kala badh lacagtii uu siin jiray wakaaladda ...
Turkiga oo ciidamo iyo Taangiyo soo dhoobay xuduuda Suuriya
- Jan 17, 2018
Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay in ay suuragal tahay weerar ay ku qaadeen laba ...
Ninkii Trump buugga ka qoray oo Congress-ka ka hor marag furaya
- Jan 17, 2018
Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in madaxii hore ee istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, ...
DAAWO:-Kooxdii Cali Khalif Ee Caynaba oo Isku laayey Ciidamadii somaliland u qortay iyo masuul Iscasilay
- Jan 16, 2018