dahabshiil
Loading...

Deg Deg:Jaaliyadda Ugaadhyahan Oo Ka Hadashay Dulaanka Somaliland Ee Tukaraq iyo Xubno Bahrarsame Ah oo Tv-ga xalay ka Hadlay

Xafiiska dhexe ee qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan Siiyaad ayaa baaq cambaarayn u diray maleeshiyaadka SNM waxaana dhinaca kale la dhaliilay xubno sheegtay inay yihii reer tukaraq oo aan u dhalan wuxuuna warsaxaafadeedka u qornaa sida hoose

Baaq iyo Cambaareyn 10/01/18

Ku :- D.F.Soomaaliya .
Ku:-Maamulka Pl .
Ku:- Beelweynta Dhulbahante .
Og :-Dawladaha daneeya arimaha soomaaliya .
Og :-Xafiiska W/xoghayaha guud ee Qaramada midoobey.
Og:-maamulka gooni goosaadka Jamhadda SNM.

Ujeeddo baaq kasoo baxay jaaliyadaha beesha Ugaadhyahan Siiyaad.

Hadaanu jaaliyadaha kunool North America, Europe, Australia iyo Wadamada Carabta, ee kasoo jeeda beesha kor kuxusan, Waxaanu cambaarayninaa duulaanka qaawan ee beesha isaaq iyo waxma garatada lasocota ay ka wadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, gaar ahaan kii ugu danbeeyey ee ay ku qaadeen degmada Tukoraq, iyadoo lawada ogyahay dhibaatooyinkii hore ee ay deeganadan ka geysteen 20sano ee udanbeeyey.

Waxaanu kale oo aanu ka xunahay inay TV yada ka hadleen dad iska dhigaya inay udhasheen deegaanka tukoraq, islamarkaana soo dhoweynaya ciidamada SNM ee barakaca iyo qasaaraha ka geystay deekaanka Tukoraq ‘hadaba waxaanu cadayninaa inaysan dadkaasi kasoo jeedin deekaanka tukoraq, una dhalan, kana hadli karin, waxna ka gelin, dadkaa waxaa kamid ahaa wiil la yiraahdo ina TUNGUB iyo rag kale oo kasoo jeeda isla beesha Bahrarsame, sidaa awgeed waxaanu usheeginaa haday SL joogto iyo haday ka baxdoba deegaankaasi waa deegaan ugaadhyahan, Anagoo aan ka cararayn beelaha kale ee tolkayo ah ee aanu wada degno sida beelaha ugaasyo iyo kuwa kale ee Dhulbahante ba.

BAAQ

Waxaanu ugu baaqinaa dadka dhulbahante iyo cidii kale ee ay qusaysoba, in loo diyaar garoobo Xoreynta dhulka, iyo difaaciisaba, Waxaanu cadayninaa, hadaanu nahay qurbajoogta beesha Beesha Ugaadhyahan inaanu diyaar unahay waxkasta oo ay ku kiciso dagaal lala galo jabhadda SNM iyo camaasiirtii xanbaarsanba, Waxaanu kale oo cadayninaa inaanu taageerino hiil iyo hooba cidkasta oo arinkan ka qayb qaadanisa maamul iyo shacab kuu doonoba ha ahaadee.

Waxaanu usheeginaa haayadaha warqdani tooska ugu socoto iyo kuwa ogta ku lehba, in wixii halkaa ka dhaca ay masuuliyadooda qaadiso maamulka la baxay sl, wixii hada ka danbeeyana uu dulqaad kii naga dhamaaday, dibna aanaanu u dulqaadanayn.

Xafiiska dhexe ee qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan Siiyaad.

Loading...

Maxay Tahay Sababta Aanay Madaxda Federaalku U Soo Booqan Gobolada Waqooyiga?
- Jan 17, 2018
Afar madaxweyne oo soo booqday deegaanka Puntland midna ma uu san soo booqan goob ...
Deg Deg::Maraykanka oo hakinaya gargaarkii uu siin jiray hay’ada Qaramada Midoobay Sababta Akhriso.
- Jan 17, 2018
Maamulka Trump ayaa hakiyey in ka badan kala badh lacagtii uu siin jiray wakaaladda ...
Turkiga oo ciidamo iyo Taangiyo soo dhoobay xuduuda Suuriya
- Jan 17, 2018
Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay in ay suuragal tahay weerar ay ku qaadeen laba ...
Ninkii Trump buugga ka qoray oo Congress-ka ka hor marag furaya
- Jan 17, 2018
Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in madaxii hore ee istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, ...
DAAWO:-Kooxdii Cali Khalif Ee Caynaba oo Isku laayey Ciidamadii somaliland u qortay iyo masuul Iscasilay
- Jan 16, 2018