dahabshiil
Loading...

War Deg Deg Ah::Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ku dhawaaqay Arrin Muhiim Ah.

Madaxweynaha waddanka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa ku dhawaaqay guddi baara musuq maasuq la sheegay inuu ka dhexjiro dowladda dhexdeeda.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu si dhaw ula shaqeynayay qoyska ganacsiga lagu yaaqanno ee hantida badan leh, ee Guptas, si ay u maamulaan qandaraasyada waa weyn ee qaranka.

Bayaan ka soo baxay Madaxweyne Zuma ayaa lagu sheegay in eedaha ah in qaranka laga bixiyay gacmaha dadka Koonfur Afrika ay yihiin kuwo muhiim ah, oo ay mudan yihiin in la soo afjaro oo laga gun gaaro.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii ay maxkamad sare ay bishii Diseembar amartay in muddo 30 casho gudahood ah uu madaxweynaha ku soo magacaabo guddi baara eedaha loogu yeero qaranka la qabsaday.

Sanad ka hor hay’adda la dagaalanta musuq maasuqa ee waddanka ayaa waxa ay madaxweynaha u sheegtay isla arrinta ay maxkamaddu amartay, hasayeeshee Madaxweyne Zuma ayaa ka horyimid talabixinta ay hay’addaasi sameysay.

Ku dhawaaqista guddiga arrintan baaraya ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo wax ka yar maalin un ay ka harsan tahay marka ay kulmayaan guddiga sare ee xisbiga talada haya ee ANC iyo guddiga fulinta ee qaran.

Waxaa jiray warar aad la iskula dhexmarayay oo sheegaya in ay suuragal tahay in guddiyadaasi ay isku dayayaan inay Mr Zuma xilka madaxtinimada ee dalka ka qaadan, iyadoo haatanna uusan ahayn hogaamiyaha xisbiga ANC

Loading...

Turkiga oo ciidamo iyo Taangiyo soo dhoobay xuduuda Suuriya
- Jan 17, 2018
Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay in ay suuragal tahay weerar ay ku qaadeen laba ...
Ninkii Trump buugga ka qoray oo Congress-ka ka hor marag furaya
- Jan 17, 2018
Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in madaxii hore ee istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, ...
DAAWO:-Kooxdii Cali Khalif Ee Caynaba oo Isku laayey Ciidamadii somaliland u qortay iyo masuul Iscasilay
- Jan 16, 2018

DAAWO;-Galaydh Oo Hargaysa Kusoo hungoobay Rabana inuu fursad Kale ka Abaabulo beeshiisa
- Jan 16, 2018
Degaanka kalabaydh ee gobolka sool ayaa lagu soo dhaweyay Dr Cali Khaliif Galaydh Oo ...
DEG DEG DAAWO;-Jiidaha gobolka Sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland
- Jan 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta ...