dahabshiil
Loading...

War Deg Deg Ah:Farmaajo Oo U Duulaya Goordhow Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Jmhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow la filayaa in uu u ambabaxo Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeybgeli doono munaasabad loogu dabeeldegayo Afar Sano guuradii ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8 Bishaan ee Janaayo.

 

Socdaalka Madaxweyne Farmajo ayaa waxa ku wehlin doona maanta Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada halka masuuliyiin kale ay ka sii horeeyeen.

 

Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa,iyada oo lagu arkayo sawirka Madaxweynaha oo la suray Wadooyinka Garoowe.

 

Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaayo Garoowe ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda puntland ugu sareysa iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tegi doonaa Magaalooyin ka mid ah Puntland sida magaalada Boosaaso.

Loading...

DAAWO;-Galaydh Oo Hargaysa Kusoo hungoobay Rabana inuu fursad Kale ka Abaabulo beeshiisa
- Jan 16, 2018
Degaanka kalabaydh ee gobolka sool ayaa lagu soo dhaweyay Dr Cali Khaliif Galaydh Oo ...
DEG DEG DAAWO;-Jiidaha gobolka Sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland
- Jan 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta ...
Deg Deg Daawo::Buuhoodle Oo Lagu Soodhaweeyay Garaad Cabdirashiid Wacdaraha Ka dhacay,
- Jan 16, 2018
Waxaa Maanta Soo Gaadhay Magaalada Buuhoodle Xarunta gobolka cayn garaad cabdirashiid Cismaan waraabe dheere ...
DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa Jab Iyo Halaag Ayay Kala kulmayaan.
- Jan 16, 2018
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab Ayaa Sheegay Inay Soomaliland tahay Shabaab Ayna Ul;a ...
DAAWO:-Ila Qosol Kalamaan Oo Lagu Bahdilay Salaadiinta Somaliland Iyo Muuse Biixi 161 2018
- Jan 16, 2018