dahabshiil
Loading...

Deg Deg:Maxaa Ka jira In Xiisad Ka Dhex Aloosan Tahay Suudaan iyo Eritrea

Dowladda Sudan ayaa beenisay warar sheegayay in xiisad ay ka dhex taagan tahay Eritrea iyo Sudan.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Sudan ay ciidamo u daad gureysay xudduuda u dhaxeysa labada dal.

Barasaabka gobolka Koonfur Bari ee Kassala ayaa sheegay in ciidamada goobtaasi loo diray ay yihiin kuwa loogu talagalay in ay xoojiyaan xaaladda degdega ah ee halkaasi lagu soo rogay.

Toddobadkii hore, Sudan waxay ku dhawaaqday xukun degdeg ah oo soconaya muddo lix bilood ah gobollada Kassala oo bariga dalkaas ah iyo woqooyiga Kordofan oo galbeedka dalka ah.

Dowalddu waxay sheegay in tallaabadani qayb ka tahay olole hub ka dhigis ah oo lagu ballaarinayo sidii wax looga qaban lahaa kuwa dadka tahriibiya, soona geliya badeecadaha kontarabaanka ah.

Guddoomiyaha gobolka Kassala, Adam Jamma, waxaa uu sheegay in kumannaanka ciidanka sida milateriga u tababaran ee la geeyay gobolkaas ay halkaas u joogeen si ay u dhaqan geliyaan ololaha, tallaabadaasna aanay macnaheedu ahayn xiisad kala dhexeysa dalka Eritrea ee deriska la ah.

Waxaa uu beeniyay warar baraha bulshada lagu qoray oo sheegayay in la xiray xadka la isga gudbo labada dal, waxaana uu ku adkaystay in xiriirka labada waddan aanay wax dhibaato ahi ka jirin.

Axsaabta mucaaradka ah ay dhaleeceeyay ciidammada halkaas la geeyay, iyagoo sheegaya in dowladdu aanay u baahnayn inay xukun degdeg ah soo rogto si ay u qabato hub sharci darro ah ama ay u joojiso dad la tahriibinayo.

Loading...

Deg Deg Daawo Video:::Qorshaha Ethopia Ay Ugu Yeedhay Madaxda Puntland Iyo Somaliland
- Jan 17, 2018
Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya go’aanka Dowladda Itoobiya ay ugu yeedhay Madaxweynayaasha ...
War Deg Deg Ah:C/wali Gaas Oo Hada Ka Degay Caasimada Galmudug.
- Jan 17, 2018
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb,halkaas oo ...
Deg Deg Daawo Video:Waraysi Xiiso Badan Abwaan Reer Buuhoodle Ah.
- Jan 17, 2018

Safarka Farmaajo ka dib, malaga maarmayaa ciidammada ajaaniibta ah?
- Jan 17, 2018
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira safar ...
Maxay Tahay Sababta Aanay Madaxda Federaalku U Soo Booqan Gobolada Waqooyiga?
- Jan 17, 2018
Afar madaxweyne oo soo booqday deegaanka Puntland midna ma uu san soo booqan goob ...