dahabshiil
Loading...

Deg Deg::13 Soomaali Ah Oo Maydkooda Laga Helay Dalka Mozambique

Meydadka 13 ruux oo la rumeysan yahay inay yihiin Soomali ayaa laga helay tuulo ku taal bartamaha wadanka Mozambique.

 

Sida laga soo xigtey mas’uuliyin ka tirsan dowlada Mozambique meydadkan ayaa lagu qariyay meel ku dhow Saldhigga Booliska magaalada Cheringoma ee gobolka Sofala Province.

 

Dowlada Mozambique ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameynayo balse wax faahfaahin ah kama bixin.

 

Wargeys ka soo baxa wadanka Mozambique ayaa laga soo xigtey in meydadka la helay in ay ahaayeen dad muhaajiriin ah kuwaasoo ka soo tegey Waqooyiga kuna sii jeeday koofurta Mozambique.

 

“Waxaa ay ahaayeen muhaajiriin ku safrayay baabuur weyn oo Konteenar ah waxaana dhici karta inay u dhinteen hawo la’aan.”ayaa lagu daabacay wargeyskan O País.

 

“Markii uu ogaaday darawalkii in dadka gaariga u saaran yihiin meyd ayuuu tuuray meel keyn ah.”ayuu wargeyska ka soo xigtey qof goobjooge ahaa.

 

Wadanka Mozambique ayaa u ah waddo muhiim ah dadka muhaajiriinta ah ee u badan Soomaalida iyo Ethiopianka kuwaasoo doonaya inay gaaraan wadanka Koofur Afrika.

 

Hase yeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo weliba ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya in dadka ku dhintey gaariga konteenarka ay ahaayeen Soomaali.

Loading...

DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa Jab Iyo Halaag Ayay Kala kulmayaan.
- Jan 16, 2018
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab Ayaa Sheegay Inay Soomaliland tahay Shabaab Ayna Ul;a ...
DAAWO:-Ila Qosol Kalamaan Oo Lagu Bahdilay Salaadiinta Somaliland Iyo Muuse Biixi 161 2018
- Jan 16, 2018

DAAWO;-Saleebaan Koore oo Hargeisa kasoo Hanjabay “Laascaanod Iyo Garoowe Mid Uun Baa Laga Qaxi .”
- Jan 16, 2018
Saleeban Cali Koore Wasiirka biyaha EE Somaliland oo Maanta xafiiskiisa kula Hadley qeybo ka ...
Daawo: Muuse Biixi Cabdi oo u dhoofay Dalka Itoobiya iyo Warar kasoo baxaya
- Jan 16, 2018
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka dhoofay magaalada Hargeisa, Wuxuuna Safarkiisa ku ...
Shabaab oo Baasuuke la helay Guriga Guddoomiye caan & si dirqi ah uu kaga baxsaday
- Jan 16, 2018
Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo ...